![]() Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Qumannews.net Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diraya Marxuum Xasan Maygaag Samater Oo Dalka Sucuudiga Ku Geeriyooday.
Riyaad (QMN)- Waxaan Halkan Tacsi Tiiraanyo Leh Aan Uga Dirayaa. Anigoo Ku Hadlaya Magacayga Kan Qoyskayga,
Kan Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Iyo Shaqaale-weynaha #Mareegta Qumannews Inuu Ilaahay Ha U Naxariistee Marxuum Xasan #Maygaag Samater Oo Ku Geeriyooday Dalka Sucuudiga. Annoo Tacsiddan Si Gaar Ah U Gaadhsiinaya Dumaashiday Rahma Abdillahi Maygag Oo Uu Marxuum Xasan Maygaag Samater Uu Adeerkeed Ahaa Inuu Eebbe Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo.
Waxaan Marxuum #Xasan Maygaag Samater Eebbe Uga Baryeyaa Inuu Naxariistiisa JANNO FARDOWSA Ka Waraabiyo. Qoyskii, Ehelladdii, Qaraabaddii Iyo Guud Ahaanba Qaranka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuumku Inuu Samir Iyo Iimaan Saadiqa ka Siiyo.
Dhammaanteenba Walaal Aynu U DUCAYNO Marxuumka Inuu Eebbe Qabriga U Nuuriyo Oo Uu Naxariistiisa JANNO Ka Waraabiyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN Yaa Rabbi.
Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Khaddar Ali Khum Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2022 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Qumannews.net Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diraya Marxuum Xasan Maygaag Samater Oo Dalka Sucuudiga Ku Geeriyooday.
Riyaad (QMN)- Waxaan Halkan Tacsi Tiiraanyo Leh Aan Uga Dirayaa. Anigoo Ku Hadlaya Magacayga Kan Qoyskayga,