Wasiir Cali Mareexaan Oo Ku Dhaqaaqay Talaabo Ay U Riyaaqeen Shacabka 4 Gobol Oo Somaliland Ah?.

0
Monday November 29, 2021 - 15:30:39 in by Super Admin
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cali Mareexaan Oo Ku Dhaqaaqay Talaabo Ay U Riyaaqeen Shacabka 4 Gobol Oo Somaliland Ah?.

    Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Cali Hassan Mohamed "Cali Mareexaan" oo muddo kooban

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland Cali Hassan Mohamed "Cali Mareexaan" oo muddo kooban
 joogay Wasaaradda, Ayaa sameeyay dedaalo Horumarinneed oo midho dhalay dur-ba

Wasiirka ayaa hawl geliyay khuburadda dhanka biyaha ah iyo hawl wadeenadda wasaaradda kuwaas oo si hufnaan iyo hawlkarnimo shaqo ka muuqato muujiyay muddadii wasiirka cusub joogay ka dib markii uu wasiirku soo kordhiyay nidaam shaqo oo isla xisaabtan iyo dhiiri-gelin leh

Wasaaradda Biyaha Somaliland, Ayaa Riigaga ceelasha dhaadheer ka kicisay deegaano Hoos-yimaadda Gabiley, Togdheer, Saraar, Iyo Sanaag

Ceelasha oo muddo dheer fadhiyay ayaa la kiciyay muddadii koobnayd ee wasiir Cali Mareexaan, wasaaradda joogay waxaana ka mid ah ceelasha la kiciyay.

Riigga Coodanle, Ceelasha Qorilugud Iyo Qabri-huluul, kuwaas oo ka tirsan Gobolka Togdheer

Wasaaradda oo hawlaha kicinta ceelasha wadda ayaa Kicisay Ceelka Botor, ee Gabiley, Ceelka Caday Musbaax, oo ka tirsan Ceel-afweyn Iyo Ceelka Ceegaag 1, oo ka tirsan Saraar, waxaana dhamaantood Ceelasha iyo riigagu ba noqdeen kuwo biyaha laga cabo oo bulshada deegaanadu Is-ticmaali karaan

Wasaaradda oo dedaaladeeda sii wadda ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay ceelal iyo riigag kale oo muddo fadhiyay kuwaas oo iyagana gacanta lagu hayo

Wasiirka biyaha Somaliland, oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii Axmed Siilanyo, ayaa ka mid ah Wasiiradda ugu saameynta badan Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi

Wasiirka Biyaha Somaliland Cali Mareexaan, ayaa magacaabay xubno wasaaradiisa ka tirsan si ay hawlaha shaqo ee Wasaaradda uu maamulo u noqdaan kuwo si hufnaan leh u shaqeeya Isla-markaana shaqaaluhu u shaqeeyaan si daacadnimo iyo hawlkarnimo shaqo ah, taas oo wasaaradda ka dhigaysa mid bulshadeeda ugu adeegaysa sidii ugu wanaagsanayd.

Qore: X Axmed Daahir Nuux Nasabka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured