"Waan Arkayey Meelo Lagu Qorayo Rag Baa Weeraray Iyo Dhaawacyo Ayaa La Soo Gaadhsiiyey, Waa Been Cad Oo Aan Sal Iyo Raad Toonna Lahayn" Suxufi Liibaan Xuseen Al Caddaalla.

0
Tuesday December 28, 2021 - 16:58:11 in by Super Admin
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waan Arkayey Meelo Lagu Qorayo Rag Baa Weeraray Iyo Dhaawacyo Ayaa La Soo Gaadhsiiyey, Waa Been Cad Oo Aan Sal Iyo Raad Toonna Lahayn" Suxufi Liibaan Xuseen Al Caddaalla.

    Kaasa-palaansa (QMN)- Suxufiga Caanka Ah Ee Liibaan Xuseen Al Caddaalla, Isla-markaana Ah Agaasimaha Guud Ee Iddaacadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaasa-palaansa (QMN)- Suxufiga Caanka Ah Ee Liibaan Xuseen Al Caddaalla, Isla-markaana Ah Agaasimaha Guud Ee Iddaacadda
"Waan Caafimaad Qabaa, Waxaan Fasax Kooban Ku Joogaa Dalka Marooko, Warka La Leeyahay Cid Baa Wax Yeeshay Waxba Haba Yaraatee Kama Jiraan" Suxufi Liibaan Xuseen Al Caddaalla.
======================================

Kaasa-palaansa (QMN)- Suxufiga Caanka Ah Ee Liibaan Xuseen Al Caddaalla, Isla-markaana Ah Agaasimaha Guud Ee Iddaacadda Af-ka Dheer Ee Radio Al Caddaalla Oo fadhigeeddu Yahay Caasimadda Dalka Ingiriiska Ee London, Ayaa Beeniyey Guud Ahaanba Warar Been Abuur Ah Oo 24-kii Saacaddood Ee u Dambeeyey Lagu faafinayey Baraha Bulshadda (Social Media).

Liibaan Xuseen Al Caddaalla Oo Hadda Ku Sugan Dalka Marooko Oo Uu Fasax Kooban Ku Joogo, Ayaa khadka Telefoonka Iigu Waramay Anigoo ah Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Mr Khaddar Ali Khum, Waxaanu Wariye Liibaan SAMA-TALIS Caddeeyey In Aanay Haba Yaraatee Waxba Ka Jirin Wararka Lagu baahinayey Baraha Bulshadda Ee Lagu Sheegayey in koox dabley ah Weerartay, Isla-markaana Ay Dhaawacyo Soo gaadheen.

Ugu horeynba Saxafi Liibaan Xuseen Al Caddaalla, Ayaan Waydiiyey Bal Halka Uu Hadda Joogo, Waxaanu Yidhi "Anigu Walaal Waxaan Joogaa Oo Aan kaala hadlayaa, Dalka Marooko Oo Aan Fasax Kooban Ku immid Si Aan U Soo booqdo Qoyskayga (Marwaddayda reerkoodda), Waxaanan Maalmo Kadib Aan Ku noqonayaa, Dalka Ingiriiska, Gaar Ahaan London Si Aan U Sii Waddo hawlihii Aan Halkaa Ka hayey".

Liibaan Xuseen Al Caddaalla, Ayaan Waydiiyey Su'aal Ahayd Bal Waxa Jira Wararka Lagu qorayey Baraha Bulshadda Ee Sheegayey in Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhexmaray Cid Si Gaar Ah U Soo Weerartay Ama Dhaawac Soo Gaadhay, Wuxuuna Liibaan Xuseen Al Caddaalla Kaga Jawaabay Oo Uu Yidhi "Waan Arkay meelo Lagu Qorayo rag Baa Weeraray Iyo Dhaawacyo Ayaa La Soo Gaadhsiiyey, Waa been cad Oo Aan Sal Iyo Raad toonna Lahayn. Waan Caafimaad Qabaa manna Jirto Cid Ila Dagaalantay Iyo Dhib Naftayda Soo Gaadhay toonna".

Mar kale, Ayaan Saxafi Liibaan Xuseen Al Caddaalla Waydiiyey Su'aal kale Oo Ahayd, Maxaa Ugu Jira Shakhsiyaad Ka Beenta Kaa Sheegaya, Waxaanu Yidhi Oo Uu Kaga Jawaabay Liibaan Xuseen Al Caddaalla "Waa Shakhsiyaad Wax-ma'garato ah, Waanna Kuwa Aanu Siyaasadda Ku Kala Aragti duwannahay" Ayuu Yidhi Liibaan Xuseen Al Caddaalla Oo Si Gaar Ah Iigu Waramayey Hadda.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured