"Mucaarid iyo Muxaafid Labbadda-ba Suldaan Ayaan U Ahay, Waxaanan Ugu Baaqayaa Inay Miiska Wadda Hadalka Arintoodda Ku Dhamaystaan"Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

0
Saturday January 01, 2022 - 14:19:10 in by Super Admin
  • Visits: 74
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Mucaarid iyo Muxaafid Labbadda-ba Suldaan Ayaan U Ahay, Waxaanan Ugu Baaqayaa Inay Miiska Wadda Hadalka Arintoodda Ku Dhamaystaan"Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

    Hargeysa (QMN)- Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Faarax,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Faarax,
 Ayaa Raali-gelin Buuxda Ka Bixiyey Munaasibad Siyaasaddeed Oo Uu Ka Qaybgalay.

Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Faarax, Ayaa Sidda Uu Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook Inuu Raali-gelin Uu Siinayo Cid Kastoo Dhibsatay tagista Goob Siyaasaddeed, Waxaanu Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Xusay In Aanu Wax Siyaasad ah, Haba Yaraatee Aanu Ku lug Lahayn, Isla-markaana Uu Suldaan u Wadda Yahay dhinacyadda Siyaasadda Dalka Ee Mucaaridka Iyo Muxaafidka-ba. Wuxuuna Ugu Baaqay Mucaaridka Iyo Muxaafidka-ba Inay Muranka Siyaasiga ah Ee u dhexeeya Ku xaliyaan miiska Wadda Hadalka, Waxaanu Yidhi Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir "Bismilaahi Raxmaani Raxiim. 

Waxaan Guud Ahaan shacbigga Somaliland ka raali-galinayaa munaasibad Xallay oo lagaga hadlaayay Arrimo Siyaasaddeed. 

Anigu ma ihi nin Siyaasad gala, waxaan ahay Suldaankii Guud ee Somaliland, munaasibada Xallay-na uma teggin Siyaasad ee waxaan u teggay duco cid kaste oo dhib satay-na waan ka raali-galinayaa. 

Mucaarid iyo Muxaafid labbada-ba Suldaan Ayaan u ahay Waxaanan ugu baaqayaa in ay Miiska wadda hadalka arintoodda ku dhamaystaan".

Wabilaahi tawfiiq.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured