"Taageerayaasha KULMIYE Ee Yidhaahda Xisbi Ayaa La Iibsadday Waa Kuwa Isku Daya Inay Qariyaan Abaal La'aanta Muuse Biixi Ku Caanka Baxay"Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis.

0
Saturday January 01, 2022 - 14:20:34 in by Super Admin
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Taageerayaasha KULMIYE Ee Yidhaahda Xisbi Ayaa La Iibsadday Waa Kuwa Isku Daya Inay Qariyaan Abaal La'aanta Muuse Biixi Ku Caanka Baxay"Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis.

    Hargeysa (QMN)- Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis, Ayaa Sheegay In Aanay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis, Ayaa Sheegay In Aanay
 Xisbiyadda Qaranku iib Galin, Isla-markaana Aanay Jirin Xisbi La iibiyaa.

Xoghaye Yoonis Axmed Yoonis Oo ka Jawaabay Hadalo deel-qaaf Ahaa Oo Ka Soo Yeedhay Qaar Ka Mid Ah Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, Ayaa Sheegay Sababta Ay Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE u Sameeyaan Ceebeynta Iyo fadeexaddeynta Masuuliyiinta Xisbiyadda Qaranka, Gaar Ahaan Asxaabta Mucaaridka Ay Tahay Qarinta ceebaha Laga arko Bad-weynta Bar-muudda Ugu-na Horeyso Abaal La'aanta Uu Caanka Ku Yahay Madaxweyne Biixi "#Fartiinna Ayaad Dhexda Ka #Qaniini Doontaan" Odhaahddii Uu Madaxweyne Biixi Guushiisii Kadib. Haddiyad Ahaanta Ugu Diray Taageerayaashiisii Kursiga Gaadhsiiyey.

Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis, Ayaa Carabaabay Abaal-celinta Iyo GOBANIMADDA Uu Dr Cabdiraxmaan Cirro Sameeyey Ay Sidda Cadceedda u Muuqato, Isla-markaana Uu Dhigiisa Madaxweyne Biixi Uu Garbo beeliyey Dadkii abaalka Ku Lahaa Ee Isa Soo Garabtaagay Maalintii Uu aadka u Baahnaa, Markii Ay Gaadhsiiyeen Halkii Uu rabayna cidlo Kaga dhaqaaqay. Iyaddoo Xitaa Xisbigii Lagu Wareejiyey lagunna Dhisay Uu Muddo Afar Sanno Uu La meeraysanayo Inuu Ku Wareejiyo Ciddii Abaalka Ku Lahayd Ee Kursiga Uu Ku fadhiyo Guushiisa Hormoodka Ka Ahaa.

Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis, Ayaa Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook, Waxaanu Ku Yidhi "Xisbiyada Qaranku iib ma Galaan.

Kuwa yidhaahda Xisbi ayaa la iibsaday, waa Kuwo Abaal la'aanta Muuse Biixi isku daya in ay qariyaan”

Taageerayaasha KULMIYE ee yidhaahda Xisbi ayaa la iibsaday waa kuwa isku daya in ay qariyaan abaal la'aanta Muuse Biixi ku caan baxay, ee haddana isku daya in ay qariyaan gobonimada iyo abaal celinta Cabdiraxmaan Cirro.

Taageerayaashani si ay u dadaan, una qariyaan abaal la'aanta uu Madaxweyne Muuse Biixi kula kacay, dadkii soo doortay iyo kuwii ku garabo beelay markii uu Kursiga doonayey ee uu cidla kaga dhaqaaqay halka kuwo kalena uu la meeraysanayo oo ay ku adkaatay inuu Xisbiga ku wareejiyo.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu gartay in raggii garab taagnaa maalintii adkayd inuu u abaal celiyo oo uu midna ka dhigo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, halka mid kalena uu ku dhisay Guddoomiyaha Xisbiga, isaga oo aan weli talada Dalka ku Guuleysan!". Ayuu Yidhi Xoghayaha Caddaaladda Ee Xisbiga WADDANI Yoonis Ahmed Yoonis.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured