![]() "13-ka JANUARI 2022 WIXII KA DAMBEEYA MUSE MADAXWEYNE MAAHA WAA HADDII TIINA LEYDIIN RAACO" Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Kaahin Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI.
Stockholm (QMN)- Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Kaahin Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI, Gaar Ahaan
Laanta Xisbiga WADDANI Ee Dalka Sweden, Ayaa Qaab Faahfaahsan Uga Hadlay Doorashooyinka Kala Duwan Ee Madaxtooyadda, Golaha Guurtidda Iyo Waliba tan Ururadda iyo Asxaabta Siyaasadda.
Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Kaahin Oo Qoraal Oo Uu Si Wanaagsan Uga Hadlay Arrimaha Doorashooyinka Oo Inta Badan Bulshaddu fahan Badan Ka haysan, Ayaa Qoraalkiisa Oo Uu Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net toos Ugu Soo Diray, Isagoo Ku Sugan Dalka Sweden, Waxa Uu Yidhi "Dad-badan Baad Moodaa iney ka dhacsan Yihiin Ama ay ku jaahwareereen Doorashooyinka inagu soo fool Ka Leh iyo siddey u qabsoomayaan iyo Siddey u kala horeeyaan Waa'se simple Haddii la doonaayo Sidda saxda ah
1- Madaxtooyadda waxa ay ku mudeysanyahey 13 November 2022 hawsheeddana waa in 10 bilood ka hor la bilaabaa oo Koomishanku bilaabaa Muddadaas hawshu socoto Madax weynuhu, Isagaa Madaxweyne ka ah Waddanka hawl shiisiina waddanaayaa Xukuumaddiisuna Siddeedii bey hawshii Qaranka u waddeysaa ilaa Maalinta Doorashadda.
Haddii laga Awood roonaado (Guuleyso) wuxuu sii heynayaa xilka ilaa mudoo bila markaasuu xilka ku wareejinayaa Madaxweynaha cusub Hadii uu ku guuleystana halkiibuu ka sii wadanayaa
2- Ta Ururadda iyana waa Siddan Dastuurku Wuxuu Sheegaya 10-kii sanadoodba mar la qabto waxaa ay kaga buuxdaa Axsaabta Qaranka 26 December 2022 Tobankii Sannaddood Lix bilood ka horna waa in leys diiwaangeliyaa Marka leys diiwaangeliyo Ururaddu wali waa Ururo ilaa ay tartan Galaan oo Sadex Xisbi Qaran Ka soo baxaan 26 December 2022 Sadexdaas Xisbi Qaran Ayaa markaas Halkii Sadexdan Xisbi qaran ( UCID, WADDANI IYO KULMIYE gelaaya inta ka horeysa Taariikhda waxa Madaxweyne u Tartamaya Oo Hawsha Qaranka ay u hayaan siiheynaaya
3 - daa Xisbi Qaran KULMIYE, UCID Iyo WADDANI.
3-Guurtidda Waxaa Uu Dastuurka Sheegaya In Golaha Guurtiddu oo Mudo Sanada Kadib Doorashadda Wakiiladda Lagu soodoorto Golaha Odayaasha ama Guurtidda oo iyana ku beegen Bisha May 2022 Inta ka horeysa bisha May oo uu ka imanaayo gole cusubi golahan hada jooga ayaa hawlsha sii wadaaya
Markey sidaa tahey dadkale Xisbiyadda Hadda joogaa magaleyaan Doorasho oo wuu dhacayaa liisankiisow.
Marka la bilaabo diiwaangelinta aw waxaan kuleeyahey Habeen maadjirin Taa macnaheedu waxaa weeye Marka Labilaabo U diyaar garaega Doorashadda Madaxweynaha Bisha 1aad 2022 Wixii kadambeeya Madaxweyne Muse Biixi Maaha Madaxweye. Taasuna Wax Dastuurkeenu ogolyahey ama Caqliga Saliimka ahi odhanayo Maaha.
Markeysidaa tahey Takeliya ee Saxda ah dastuurkuna ogolyahey waxa weeye In loo diyaargaroobo january dhexdeeda Doorashadda Madaxweynaha May la qabto Doorashadda Guurtidda Oo U baahan in laga baaraandego oo loo diyaariyo sidey u dhaceyso Kadibna Bisha June ladiwaangeliyo Ururadda cidii dooneysa ee buuxisa shuruudaha la diiwaangeliyo Kadib Bisha 23 November 2022 Ay inoo qabsoonto doorashada Madax weynuhu bil iyo badh kadibna 26 December 2022 ay Ururadu tartan Galaan oo Sadex Xisbi qaran inoo soo baxaan Wax alle wixii intaa kaduwani khal-khal Iyo jaahwareer bey ku ridayaan Qaranimadeena, Dastuurkeena , Xasiloonideena iyo Nabaddeena intaba"
Wabilahi Tawfi.
Tusen
Mohamed A Kahin.
Tifaftire Khaddar Ali Khum
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"13-ka JANUARI 2022 WIXII KA DAMBEEYA MUSE MADAXWEYNE MAAHA WAA HADDII TIINA LEYDIIN RAACO" Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Kaahin Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI.
Stockholm (QMN)- Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Kaahin Oo Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI, Gaar Ahaan