"Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu Ay U Hogaansameen Natiijooyinkii Doorashooyinka, Oo Aan Badi Raali-gelin. Mucaaradkuna Waxay Gaadheen Guullo Waa Weyn Oo Siyaasi Ah" Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

0
Monday January 03, 2022 - 09:06:50 in by Super Admin
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu Ay U Hogaansameen Natiijooyinkii Doorashooyinka, Oo Aan Badi Raali-gelin. Mucaaradkuna Waxay Gaadheen Guullo Waa Weyn Oo Siyaasi Ah" Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

    Hargeysa (QMN)- "Waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland, munaasibaddda sanadka cusub ee 2022-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- "Waxaan hambalyo balaadhan u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland, munaasibaddda sanadka cusub ee 2022-ka.
 Waxaan alleheena weyn ka baryayaa in uu sanadka cusub ina siiyo samihiisa iyo sareedadiisa, isla markaana uu ina hareer mariyo surma seegtooyinkiisa sillan iyo sharkiisa soogan. 

Sanadkii tagay ee 2021-ku wuxuu xiskeena kaga tagey xasuuso togan iyo kuwo taban labadaba. Wuxuu ahaa mid xanbaarsan dhacdooyin leh xanuuno aan yarayn, iyo kuwo leh xiiso badan intaba. Dhacdooyinka xasuusta inagu reebay waxaa ka mid ah cudurka Coved19 oo dunida ku cusbaa, wuxuu sanadkii 2021 ku inaga dilay, ama noloshoodii galaaftay haldoor badan, oo ay ka mid ahaayeen leebeentii iyo naqwadii bulshada. Cudurkani ma ahayn mid madi inagu ah, balse wuxuu ahaa mid aafeeyay aadanaha ifka ku nool idilkood. Sidoo kale dhacdooyinka xanuunka leh waxaa ka mid ahaa sixir barar dhanka maceeshada ah, kaas oo saamayn taban ku yeeshay in badan oo bulshadeena saboolka ah ka mid ah. 

Dhinaca kale sanadkii 2021-ka ee aynu sagootinay, eebe mahadii waxaa inoo qabsoomay darashadii Golaha Wakiiladda oo muddo dhaaftay toban gu'u oo gaw ah, iyo tii Goleyaasha Deegaanka oo ahaa kuwo isku sidkan. Doorashooyinkani waxay Somaliland u soo hooyeen sumcad fiican iyo sawrac wanaagsan. Waxaynu dhaxalay hal ku dhiga la magac baxay ( the best democracy in the region). Taas oo la micno ah nidaamkii doorasho ee ugu hufnaa mandaqada geeska Africa. Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay ku dhiiratay suurto gelinta iyo maal gelinta doorashooyinkan muddo dhaafay ee isku sidkan. Taasi waxay u ahayd lib iyo guul siyaasiya oo aan laga gaasiri karin. Waxa kale oo xusid mudan in xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu ay u hongaansameen natiijooyinkii Doorashooyinkaas, oo aan badi raali gelin.

Sidoo kale, xisbiyada mucaaradku waxay doorashadaa ka muujiyeen wacdaro. Waxaanay ka gaadheen guulo waaweyn oo siyaasiya ka dib markii ay hantiyeen shir gudoonkii aqalka Wakiiladda iyo badi Maamulka magaalooyinka waaweyn ee dalka, sida Hargeysa, Burco, Laascaanood, Boorama iyo Ceerigaabo.

La soco qormada danbe ee qoraalkan.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured