"Burco Oo Midnimaddeeddu Madaxweynaha kaga Daran Xanuunka Safmarka Dilaaga Ah Ee COVID 19, Soo Dhoweyntii Togdheer-na Jawaab Waafiya Ayey U Ahayd Isku Daygii Wixiishnimadda Ahaa Ee Madaxweynuhu Ha'yaddaha Amniga U Adeegsadday Guddoomiyaha Xisbiga" Siyaasi Cartan Golon-gol.

0
Saturday January 08, 2022 - 19:40:16 in by Super Admin
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Burco Oo Midnimaddeeddu Madaxweynaha kaga Daran Xanuunka Safmarka Dilaaga Ah Ee COVID 19, Soo Dhoweyntii Togdheer-na Jawaab Waafiya Ayey U Ahayd Isku Daygii Wixiishnimadda Ahaa Ee Madaxweynuhu Ha'yaddaha Amniga U Adeegsadday Guddoomiyaha Xisbiga" Siyaasi Cartan Golon-gol.

    Hargeysa (QMN)- Siyaasi Cartan Maxamed Jaamac (CARTAN Golan-gool) Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Dhalinyaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Siyaasi Cartan Maxamed Jaamac (CARTAN Golan-gool) Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Dhalinyaradda
 Aqoonyahanka Ah Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Ka Hadlay u yeedhitaankii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Ee Shalay Looga Yeedhay Xaruunta Ciidanka C I D Ee Magaaladda Hargeysa, Khilaafka Siyaasaddeed Ee Xeer Lr 14, Mawqifka Xisbiga WADDANI Ee Muranka Siyaasaddeed Ee La Xidhiidha Xeerka Furista Ururadda iyo Asxaabta Siyaasadda Iyo Soo Dhoweynta Sidda mideysan Ay Reer Burco Ugu Qaabileen Weftigii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Siyaasi Cartan Golongol, Ayaa Amuurahan Kaga Fal-celiyey Wareysi Gaar Ah Oo Uu Siiyey Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Mr Khaddar Ali Khum, Wuxuuna Wareysigan Oo dhamaystiranna u Dhacay Siddan.

1- Qumannews.net Su'aal: Siyaasi Cartan Shalay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Waxa Looga Yeedhay Xaruunta Ciidanka C I D, Siddee Ayey Kuula Muuqatay In Guddoomiyihii Xisbiga WADDANI Looga Yeedho Xaruunta Ciidanka Dambi Baadhista?.

1- Cartan Golon-gol Jawaab: Kolay Muwaadiniinta Dalka Ayuun Buu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Waanay u Yeedhi karaan Ha'yaddaha Amnigu, Haddii Hawl Amniga La Xidhiidha Uga baahdaan inay wax ka Su'aalaan Ama'se Ciddi Uga Dacwoodto Ha'yaddaha Xaqa u leh Sidda Maxkamadda oo kale Balse yeedhmaddii Shalay ee Xarunta Dambi Baadhistu Guddoomiyaha Waxay ahayd mid macno La'aanna sawir xunna ka bixinaysa sugnaanta Dimuqraadiyadda Somaliland majeerato iyo xoriyatul qawlka Dastuurku u damaanad qaaday Muwaadiniinta, Waxaanu Guddoomiye Xirsi ku dhaliilay Madaxweynaha ku tumasho Sharci iyo qalaalsaha Siyaasaddeed ee dalka galiyay, is difaac Siyaasiya oo eedaha loo Jeeddiyey uu iskaga leexinayo, Ayaa Looga baahna Balse inuu sheeko Hangashtii laga dagaalamay uu dalka kula soo noqdo wax la aqbali karo maaha.

2- Qumannews.net Su'aal: Haddii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Looga Yeedhay Xaruunta Ciidanka C I D Oo Waxa La Waydiiyey-na Ahayd Maxaad Ku Caddeynaysaa dhalashaddii Jabuutiyaanka Ee Uu Guddoomiye Xirsi Sheegay Inuu Madaxweynuhu Haysto Sidda Uu Madaxweyne Biixi Caddeeyey, taasina Ay Tahay Sharcigii Iyo Dastuur Jabin, Maxaa La gud-boon Golaha Wakiiladda Oo ah Ha'yadda Ugu sareysa Qaranka Ee La Xisaabtami karta Madaxweynaha ?.

2- Siyaasi Cartan Golon-gol Jawaab: Tan Passport ka oo kaliyaba maahe Madaxweynuhu dalka Wuxuu ka Abuuray khilaaf Siyaasaddeed iyo mid Distuuriya oo aan la saadaalin karin waxa ka dhalan kara iyo khataraha ku xeeran ee dalkana waajihi karo waxaana lagama maar maan ah in talo qaran oo lagaga gudbi karo la helo Iyadoo imika aanu muuqan Baarlaman inoo badqaba oo ku  soo gole joojiya khaladaadka iyo kala hadalka faraha badan ee dalka dhibaato intan hada taagan ka sii badan ku gali karo, sababtoo ah saamaynta hadalka qaldan ee Hogaamiye Ummaddeed ka baxaa waynu ognahay dhibaatooyinka ay ka gaysteen dalal ka mid ah Aduunka, Gaar Ahaan Qaaradda Afrika.

3- Qumannews.net Su'aal: Siyaasi Waxaad Ka Mid Tahay Siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI, Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbigu Burco Wuxuu Ka Sheegay Inuu Xeer Lr 14 Hor-yaalo Golaha Wakiiladda, Go'aamka Golaha Wakiiladda-na Ay Ka Xisbi Ahaan Sugayaan, Cid kale Oo Wax Ka baxsan Go'aanka Golaha Wakiiladda La timaatanna Aanay Sharci Ahayn, Isla-markaana Aanay Aqoonsan Doonin, Sidduu Kuula Muuqdaa Mawqifka Musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Xisbiga WADDANI Ee Aad Ka Mid Tahay?.

3- Siyaasi Cartan Golon-gol Jawaab: Siddaad ka warqabto, Iyadoo la eegayo kala Madaxbanaanidda 3-da Dhadhaar ee Dawladdnimaddeenu ku tiirsan tahay Xeerkan Muranka dhaliyay Madaxweynaha, Ayaa Golaha Wakiiladda dib ugu soo celiyay si ay waajibaad kooda Dastuuriga ah uga gutaan, Haddana Madaxweynuhu Isagoo qiil u raadinaya wuxuu buuq ka dhex abuuray Golihii arintaas oo sababtay in qayb Golaha ka mid ahi Xeerkii Golaha yaalay ay Maxkamadda Sare uga dacwooddaan, taas oo sababtay in Group kale oo Xukuumaddu daba ka riixaysa, iyanna geeyeen Maxkamadda Dacwaddo siddaas darteed Anagu Xisbi WADDANI ahaan waxaanu u aragnaa in ay faragalin toos ah ku tahay Waax-da sharci Dajinta oo uu Xeerkani iyaga wali la yaalo in Maxkamad aan xiligi Sharcigu Siiyey joogin lala qabto in ay tahay Haddalkii laga Yidhi"Hal Diiddani Geed Ay ku xoqoto ma waydo" markaas anagoon Maxakamada ceebanayn Waxaanu qabnaa in Muranka Xeer 14 ee Madaxweynuhu Abuuray ilaa imika xalkiisu yaalo Golaha Wakiiladda Ee Madaxweynuhu Ku Soo Celiyey.

4- Qumannews.net Su'aal: Burco Maanta Waxay Ku Qaabishay Weftigii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Musharaxa Jagadda Madaxweyaha Ee Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro Soo Dhoweyn La Yaab Leh, Maxaa Keenay Baad U maleynaysaa in Madax-da Xisbiga WADDANI Siddan Loogu Soo Dhoweeyo Gobolka Togdheer ?.

4- Siyaasi Cartan Golon-gol Jawaab: Been maaha in Burco oo midaysani si Heersare ah u soo dhawaysay Weftigii Xisbiga WADDANI oo aanu ka mid ahayn, Burco-canna sababta ay sidaas u samaysay waxa weeye waxay ogaadeen in kala qaybintooda ciddi ku macaasgi jirtayna, cidina tahay cida maanta jahawareerku dhacay ee kolba Garbo isku qaadaysa oo ah Madaxweynaha waxaanay sidoo kale jawaab waafiya u ahayd isku daygii wixiishnimadda ahaa ee Madaxweynuhu Ha'yaddaha Amniga ee Siyaasadda ka reeban ugu adeegsadday Guddoomiyaha Xisbiga si uu Arbush ugu sameeyo bixitaankii Musharaxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolladda Bariga, Gaar Ahaan Burco oo midnimaddeeddu Madaxweynaha kaga daran Tahay xanuunka safmarka dilaaganna ah Ee COVID 19.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured