Akhri: Baarlamanka Ha La Gaadhsiiyo! W.Q. Abdirahman Mohamed Ibrahin.

0
Saturday January 08, 2022 - 20:42:47 in by Super Admin
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Baarlamanka Ha La Gaadhsiiyo! W.Q. Abdirahman Mohamed Ibrahin.

    "Kabka iyo kaalmada Dawladdaha Hoose ugu jira Miisaaniyadda ee uu jideeyey xeer-23/2019 —laga soo minguuriyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kabka iyo kaalmada Dawladdaha Hoose ugu jira Miisaaniyadda ee uu jideeyey xeer-23/2019 —laga soo minguuriyey
 xeer-12/2000— wuxu si doorbidan u baxnaaniyaa seddex Degmo, kuwaas oo si gaar ah looga doorbiday 101-ka Degmo ee lagu ansixiyey xeer-23/2019.

Marka kabka (10%) Dawladda Dhexe siiso Dawladdaha Hoose ee ku jira Miisaaniyadda 2022 la joogo, 3 degmo ayaa isku qaata 93% —Berbera 65.6%, Gabiley 21.4%, iyo  Saylac 6%,— Xalka 7% soo hadhay ay qeybsadaan 11 Degmo; Hargeysa 2.3%; - Wajale 1.3%; - Borama 1.2%; - Lascaanood 0.5%; -  Baligubadle 0.4%; - Faraweyne 0.4%; - Burco 0.3%; - Ceerigaabo 0.2%; - Allaybaday 0.2%; - Caynaba 0.1%;  iyo Xariirad 0.1%.  Xalka 87 Degmo ee soo hadhay aanay lacagta kabka waxba ka gaadhin. Haddii aynu dalka goballo u qeybino, Gobolladda Togdheer, Sool iyo Sanaag lacagtan waxay ka helaan 1.1%. Xalka Gobolka Saaxilna kaligii ka helo 65.6%. Gobolka Maroodi-jeexna wuxu helaa 26%. Gobolka Awdalna wuxu helaa 7.3%. 

Hadii kabka (10%) iyo kaalmada (12.5%) dawladda dhexe siiso Dawladdaha Hoose la isku daro, 52.45% waxa qaata 3 degmo —Berbera 34.12%, Gabilay 13.60%, iyo Saylac 4.50%— Xalka 47.54% soo hadhay ay qeeybsadaan 98 Degmo. Kuwan 5 Degmo oo ka mid ah ayaa isku hella 20.45% —Hargeysa 4.74%, Borama 4.23%, Laascaanood 3.90%, Burco 3.81% iyo Ceerigaabo 3.77%—. 93-ka degmo ee soo hadhay waxay qeybsadaan 27%. Taasi oo ah Cadaallad Darro aad u weyn, si la mid ah, dakhliga kabka, isku darka kabka iyo kaalmadana cida ugu badan ee ku dulman waa Degmooyinka Gobolladda Bari. 

MAXAA KUU BAXAY !!!

Baarlamanku miyuu Miisaaniyadda Siddaa u qoondeeysan ansixin doonaa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured