"Dr Cirro Waa U Qalmaa Madaxweyne Qaran, Waxaan Ku Bogaadinayaa Shacabka Somaliland Inay Sannadkan Codkoodda Siin Doonaan, Anigu Isku Xisbi Ma Nihin, Isku Qabiilna Ma Nihin Xisbigaygu Waa KULMIYE" Prof Axmed Ismaciil Samatar.

0
Saturday January 08, 2022 - 23:02:45 in by Super Admin
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dr Cirro Waa U Qalmaa Madaxweyne Qaran, Waxaan Ku Bogaadinayaa Shacabka Somaliland Inay Sannadkan Codkoodda Siin Doonaan, Anigu Isku Xisbi Ma Nihin, Isku Qabiilna Ma Nihin Xisbigaygu Waa KULMIYE" Prof Axmed Ismaciil Samatar.

    Minnesota (QMN)- Prof Axmed Ismaciil Samatar Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Ku abtirsadda Xisbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minnesota (QMN)- Prof Axmed Ismaciil Samatar Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Ku abtirsadda Xisbi
Xaakimka KULMIYE, Isla-markaana Ka Mid Ah Aqoonyahanka Kuwa Ugu Saameynta Badan Ee Soomaalida, Ayaa Shaaciyey Inuu Aad U Jecel Yahay Inay Shacabka Reer Somaliland Doorashadda Madaxtooyadda Ee Soo Socota u Doortaan Hogaaminta Dalka JSL Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Sidda Uu Ku Baahiyey Bogga Uu Ku Leeyahay Mareegta Facebook-ga Prof Axmed Ismaciil Samatar, Wuxuu Sheegay Inuu Dr Cabdiraxmaan Cirro Yahay Hogaamiye Qaranka Somaliland U qalma Inuu Madaxweyne Ka Noqdo, Isla-markaana Qaranka gaadhsiin Kara Horumar Balaadhan. Wuxuunna Prof Samater Xusay Inuu Dr Cabdiraxmaan Cirro Yahay Masuul Ka naxa Dadka jilicdasan.

Prof. Axmed Ismaciil Samatar. Isagoo Arintan Ka Hadlayaa Wuxuu Yidhi "Dr Cabdiraxman Cirro Waa U Qalmaa Madaxweyne Qaran, Waxaan Ku Bogaadinayaa Shacabka Somaliland Inay Sannadkan Codkoodda Siin Doonaan. Dr Cirro Waa Aqoonyahan U Damqanaya Bulshadda Jilicsan Horumar Gaadhsiin Kara Somaliland" 

Anigu isku Xisbi manihin Ciro isku qabiilna manihin. Xisbigaygu waa kulmiye Lakin waxaan la jeclahay bulshada Somaliland Wixii wanaagsan iyo inaan baro inuusan qofku aragtidiisa la gaban xitaa haddii ay qadhaadhahay.”

Dimuqraadiyada aynu dheernahay Somali baa ina deeqda" Ayuu Yidhi  Prof Ahmed Ismail Samatar.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured