Taariikhda Inta Jeer Ee Ay Itoobiya Salyac Qabsan Gaadhay/W/Q: Cali Cabdi Coomay.

0
Sunday January 09, 2022 - 23:19:20 in by Super Admin
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Inta Jeer Ee Ay Itoobiya Salyac Qabsan Gaadhay/W/Q: Cali Cabdi Coomay.

    Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood, gaar ahaan Axmaaraddu, waxa ay ka sinaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamuladii Boqortooyada Itoobiya ka soo talin jiray dhammaantood, gaar ahaan Axmaaraddu, waxa ay ka sinaayeen
 in Soomaalidu ay ahaayeen kuwa ka tirsan Boqortooyadooda oo aanay weligood maamul yeelan. Buugga "Ethiopia’s Manifest Destiny” wuxuu ka faallooday sida Boqorradii iyo madaxdii ka dambaysay ee Itoobiya mid kasta taariikh gaar ah loogu xusuusan doono: Mililik waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Harar iyo Dhiri-dhaba, Xaylse Salaase waxa lagu xusuusan doonaa qabsashadii Hawd iyo Reserve Area, Mingistu waxa lagu xusuusan doonaa diciifintii ciidankii Soomaaliya iyo Males Zanawi oo siyaasaddii Soomaaliya si buuxda gacanta ugu dhigay. 

Damaca dal-doonista Boqorrada Itoobiya ee Axmaarada ahaa, wuu sii kala darnaa, oo qaarkood way diidanaayeen gebi ahaanba jiritaanka dhulka Soomaalida geeska afrika. Bal hadda hadalkan dhugo "Rennel Rodd oo ahaa sarkaal Ingiriisku u xilsaaray inuu Boqor Mililik la meel dhigo xuduudda kala qaybisa Xabshida iyo Soomaalida ayaa la yaabay damaca waalan ee Mililiku ku sheeganayo guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Rodd wuxuu Mililik ku yidhi "dhulka oo dhan haddii Xabashidu leedahay, dhulkee ayey Soomaalidu leedahay”?

 Boqor Mililig wuxuu ku jawaabay Soomaalidu waxa ay lo’da u raacdaa xabashida, dhul ay gaar ahaan u leeyihiina ma jiro. "Somalis are cattle keepers of the Ethiopians; they had to pay their tribute of the cattle to their masters.  And there is not a Muslim country, as everyone knows”.  Wakhtiyadii ay socotay xornimadii ay dalalka qaarada afrika ka tirsani kaga xorroobayeen gumeystayaashii reer Yurub, ayuu Boqor Xayle Salaase booqasho ku tegay dalka Faransiiska sannadkii 1967-kii, waxaanu caasimada Baaris kula kulmay madaxweynihii wakhtigaasi ee De Gualle. Wuxuu kulankaasi kaga codsaday inuu Faransiisku sii haysto Jabuuti, isaga oo ka cabsi qabay inay dhalato dawlad shantii Soomaaliyeed ahi. 

Waxa kale oo uu kulankaasi ka sheegay in haddii uu Faransiisku ka kacayo Jabuuti uu iyaga ku wareejiyo, maadaama oo ay hore Itoobiya uga tirsanayd. Damaciisa ayaa beentaasi aaminsan. Kulankaasi ka dib magacii loo yaqaanay Jabuuti ee ahaa ‘French Somali Coast’ waxa loo beddelay ‘Afar and Issa Territory’.  Boqor Xayle Salaase oo cabbiraya dareenkiisa Soomaalida oo xornimada qaadata ayaa laga hayey” Soomaali Xorowdaa waa dameer geeso yeeshay”. Tixraac: Tiirka Colaadda (2005)…. C/qadir Aroma ‘AHN’. 
Tan iyo xilligii Xayle Selaasi Boqorka ahaa, waxa Itoobiya doorbidaysay in ay Saylac dakad ka sameysato. Waxa mashruucaasi sii xoogaystay xilligii Mangistu Xayle Maryam oo daraasad ballaadhan oo ku aaddan dhinaca dhismaha, jidka Saylac iyo Dirdhabe iyo kharashka ku baxaya dhammaystiray. Arrinta Saylac waxa si farsamaysan wax uga qoray John Spencer oo la taliye u ahaa Xayle Selaasi. Xayle Selaasina Saylac xoog ayuu ku qabsan lahaa haddaan Musawac iyo Casab aanu heli lahayn 1940kii. Qoraal uu diyaariyey Faysal Cabdi Rooble. Mingeste Xayle Maryam oo Afgambiyey Xayle Salaase ayaa 1977-kii Gaboon ka yidhi shirkii Midowga Afrika Soomaaliya waa Qayb yar oo markii horaba ka fallaagowday Itoobiyada weyn waana ku soo darayaa.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured