"Odayaal Gabooboo, Caqligooddu Gudhayoo Gabalkooddu Uu Dhacay, Gamaco kale Waddaanoo Tolkoo Lagu Garaaciyo, Uma Baahni Giimbaar" Maanso Uu Curiyey Saxafi Maxamed Xaashi.

0
Tuesday January 11, 2022 - 01:34:03 in by Super Admin
  • Visits: 175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Odayaal Gabooboo, Caqligooddu Gudhayoo Gabalkooddu Uu Dhacay, Gamaco kale Waddaanoo Tolkoo Lagu Garaaciyo, Uma Baahni Giimbaar" Maanso Uu Curiyey Saxafi Maxamed Xaashi.

    Hargeysa (QMN)- Saxafi Maxamed Xaashi Oo Ka Mid Ah Bahda Warbaahinta Somaliland, Ayaa Maanso Suugaanneed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Saxafi Maxamed Xaashi Oo Ka Mid Ah Bahda Warbaahinta Somaliland, Ayaa Maanso Suugaanneed
 Ku Cabiray Siyaasiyiin Ku Jira Xiligii Hawlgabka Iyo Damacoodda Weyda ah Ee Ay Ku rabaan furashadda Ururadda Siyaasadda.

Saxafi Maxamed Xaashi Oo Si Gaar Ah Ugu Cabiray Maansaddan Siyaasiyiinta Ay Isku Deegaanka Kasoo Wadda Jeeddaan Ee Dhex Cararaya Muranka Ka Taagan Xeerka Furista Ururadda iyo Asxaabta Siyaasadda Ee Xeer Lr 14.

Wariye Maxamed Xaashi, Wuxuu Ku Yidhi Maansaddiisa

"Odayaaal gaboobo
Caqligoodu gudhayoo
Gabalkoodu uu dhacay
Gamaco kale wadaanoo
Tolkoo lagu garaaciyo
Uma baahni giimbaar".

"Ninka guul u haystee
Kuwan gacanta giliyow
Way kaa gadoontee
Kuumana gadmaysee
Waxaadtahay gawaan raac
Ogow guuli kaa dheer".

"Fikir gaabka joogiyo
Maan gaabka taliyaa
Waxa ay la midyiin
Gud_cur maanga gooyiyo
Garan waaga geedkee
Nabaad guurka keenee
Goobta uu ku yaaaliyo
Deegaanka gubi jiray"

"Ma ogtahay garaadlay
Dadki in ay ku gaadheen
Oo aanad gadan karin
Garaad koodi uu koray
Gaashaanka qaadeen
Beentaada gurankarin
Ooy kula gudboonyiin"

"Dadkii aad gumayseen
Marna kala gurayseen
Midba gaar u oo deen
Ee aan is garanayn
Haatan way gadoodeen
Midnimaa u gaaroo
Go aankoodu waa meel
Mana gaadhaysaanoo
Talo waxay ku gaadheen
Oo guul u haystaaan
Meel uu nin qudhi geyo".

"Gaarida haweenkiyo
Dhalinyarada guud iyo
Iyo geeshka noo kacay
Guurtida iyo dhaqankii
Noogooyay nabadiyo
Aqoonyahanka guuxiyo
Dadka kii wax-garadiyo
Ganacsadaha dheeftiyo
Dhaqaalaha ka dooniyo
Ciidankayga guudee 
Nabadana u gaarkaa
Siyaasiga gobta ahee
Hantidayga guranow
Gidigiin ogaadoo
Gurmad waxaan u bahnahay
Runta aad ku goysaan
Oon geesna laga dayin
Garta aad ku sheegtaan
Eexdana ka gaaroo
Garab marin dastuurkana"

"Geed uu nin leeyahay
In aad goyso damacdee
Godobtana adaa leh
Xagay gaadhi doontaa
Gaashaan miyaad tahay
Noo gaar ahaan jiray
Sida qulunbahaygii
Iga geeriyoodee
Siciidoo nin gaariyo
Geesiyaasha noo dhalay".

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured