War Degdega: Dr Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) Oo Gabi Ahaanba Caddeeyey Inuu U Tanaasulay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

0
Thursday January 13, 2022 - 02:57:46 in by Super Admin
  • Visits: 341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdega: Dr Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) Oo Gabi Ahaanba Caddeeyey Inuu U Tanaasulay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

    Hargeysa (QMN)- Dr Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), Ayaa Gabi Ahaanba Caddeeyey Inuu U Tanaasulay Musharaxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Dr Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose), Ayaa Gabi Ahaanba Caddeeyey Inuu U Tanaasulay Musharaxa
 Madaxweyne Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe.

Dr Gaboose Oo Ay Caawa La kulmeen Odayaasha Daa'uud Ismaaciil-Ciida-gale- (GAR-XAJIS), Ayaa u Caddeeyey Inuu Gabi Ahaanba Ka Hadhay Inuu Sameysto Urur Siyaasaddeed Cusub, Isla-markaana Uu Xiligan Uu Qayb Ka Noqdo Muranka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan. Isagoo Odayaasha Daa'uud Ismaaciil u Sheegay Inuu La Qaatay Go'aannaddii Shalay Ka Soo Baxay Madax-dhaqameedka Beelaha GAR-XAJIS Ee Lagu faraxay Dhammaan Siyaasiyiinta Beel-weynta GAR-XAJIS in Aanay Ka Yeeli Doonin Sameynta Urur Siyaasaddeed Cusub, Isla-markaana loo Hogaansamo Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID.

Guddida Odayaasha Ah Ee Daa'uud Ismaaciil Oo Iyagu Dr Gaboose Ka Codsadday Inuu Ka aqbalo Codsi Ay Kaga Dalbaddeen Inuu Tanaasulo, Ayaa Ka Ogolaaday Codsiga, Waxaana Hadda La Soo gunnaadday Kulankan Ay La Yeesheen Siyaasiga Dr Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) Oo Caasimadda Hargeysa Ka Qabsoomay.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured