Akhri: Nuxurka Uu Xambaarsan Yahay War-murtiyeed Xaasaasiya Ka Soo Baxay Shir Balaadhan Oo Ay Hargeysa Ku Yeesheen Dhalinyaradda Beel-weynta GAR-XAJIS.

0
Friday January 14, 2022 - 21:13:44 in by Super Admin
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: Nuxurka Uu Xambaarsan Yahay War-murtiyeed Xaasaasiya Ka Soo Baxay Shir Balaadhan Oo Ay Hargeysa Ku Yeesheen Dhalinyaradda Beel-weynta GAR-XAJIS.

    Hargeysa (QMN)- In Ka Badan Kun Qof Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Iyo Hal-doorka Ee Dumarka Iyo Rag-ba Ee Dhalinyaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- In Ka Badan Kun Qof Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Iyo Hal-doorka Ee Dumarka Iyo Rag-ba Ee Dhalinyaradda
 Beel-weynta GAR-XAJIS (Ismaaciil Sh Isaxaaq), Ayaa Shir Balaadhan Oo Ay Magaaladda Hargeysa Ku Yeesheen Ka Soo Saaray War-Murtiyeed Ka Kooban 8-deed Qoddob Oo Ay Si Weyn Ugaga Hadleen Xaaladda Siyaasaddeed Ee Uu Dalku Ku Jiro Wakhti Xaadirkan.

War-Murtiyeedkan Oo Nuqul Ka Mid Ah Soo Gaadhay Xafiiska War-qabadka Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Ay Ku Leeyahay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa. Wuxuu U Dhignaa Siddan "14-Jan-2022, Hargeysa, Somaliland.
BISMILLAAH 

Annaga oo ah Dhalinyaradda, Aqoonyahanka iyo Hal-doorka Beel-weynta GAR-XAJIS, waxa aannu Qoddobo ka soo saarnay Xaaladda Siyaasaddeed ee dalka Somaliland. 

18-kii-May-1991-kii, waxa Magaaladda Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo ahaa go,aanka iyo dareenka mideysan ee Shacbiga Somaliland iyo Halgan dheer oo shacbigu soo galay. Gooni Isu-tagga Somaliland waxa sabab u ahaa dulmi iyo Cadaalad xumo ka dhalatay Midowgii Somaliland iyo Somalia. Muddadii Madaxweyne Muuse qabtay Taladda Somaliland waxa uu abuuray kala qaybsanaan iyo kala irdhayn bulsho. 

Waxa intaas u dheer in Madaxweyne Muuse bilaabay ku xadgubka Dastuurka iyo Xeerarka dalka oo ka leexday Nidaamka Dimuqraadiga iyo Doorashooyinka ee Ummaddu heshiiska ku ahayd dalkana geliyey khakhal Siyaasaddeed. Intaa kaddib, waxa aannu soo saaray war-murtiyeedkan: 

1. Waxa aannu si buuxda u taageersanahay Madax-banaanidda iyo Midnimadda dalkeenna Somaliland. 

2. Waxa aannu si buuxda u taageersanahay War-Murtiyeedkii Beel-weynta GAR-XAJIS soo saartay 10-kii-Jan-2022-kii. 

3. Waxa aannu si buuxda u taagersanahay go'aan kasta oo ay qaataan Asxaabta Mucaaridka ahi ee ay kaga soo horjeedaan Dastuur Jebinta, Xeer Jebinta iyo khalkhal gelinta Siyaasadda, Amniga iyo Midnimadda Somaliland. 

4. Waxa aannu si buuxda u cadaynaynaa in cidda keliya ee meteli karta kuna hadli karta afka Beesha ay tahay Guddida Guud ee GAR-XAJIS Ee Loogu Doortay Shir-weynihii Beel-weynta GAR-XAJIS Ee Buurta Gacan-Libaax Sannadkii 2018-kii. 

5. Waxa aannu u soo jeedinaynaa in aan Maxkamadda Distuuriga ahi qayb ka noqon Murannadda Siyaasadda, Lana dhawro Madax-banaaniddeeda. 

6. Waxa aannu si buuxda u taageeraynaa in Doorashadda Madaxtooyadda JSL lagu qabto xiligeeda 

13-Nov-2022 Saddexda Xisbi Qaranna oo keliyina xaq u leeyihiin in ay u tartamaan, taas oo waafaqsan Dastuurka iyo Xeerarka dalka u yaalla. 

7. Waxa xasuusin mudan in Madaxweyne Muuse ku yimid Doorasho Siddaana Madaxweyne ugu noqday intii codka siisay iyo intii ka codaysayba. Dastuurka ayuu Muuse Biixi Cabdi Madaxweyne ugu noqday tiradii badnayd ee ka codaysay ilaa haddana ugu yahay. Dastuurkii Madaxweynaha ka dhigay haddii uu ka leexdo isaga ayaa kalsoonidii iska lumiyey mana jirto wax kale oo uu Madaxweyne ku noqon karaa. 

8. Waxa aannu ugu baaqeynaa Shacbiga Somaliland in ay ilaashadaan Midnimadda, waddajirka iyo Horumarkooda, Isla-markaana ay meel uga soo wada jeestaan cid kasta oo ku Xad-gudubta Dastuurka iyo Xeerarka dalka". 

ALLAH MAHADLEH.


Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office..

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured