War Degdega: Ciidanka Booliska SL Oo Magaaladda Burco Hadda Ku Xidhay MUJAAHID Qalaaf Oo Ka Mid Ahaa MUJAAHIDDIIN Shalay Warbaahinta Kala Hadlay Madaxweyne Biixi.

0
Saturday January 15, 2022 - 01:53:11 in by Super Admin
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdega: Ciidanka Booliska SL Oo Magaaladda Burco Hadda Ku Xidhay MUJAAHID Qalaaf Oo Ka Mid Ahaa MUJAAHIDDIIN Shalay Warbaahinta Kala Hadlay Madaxweyne Biixi.

    Burco (QMN)- Xaruunta Gobolka Togdheer Ee Burco, Ayaa Hadda Sidda Ay Sheegayaan Wararka Kasoo Gaadhaya Shabakedda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (QMN)- Xaruunta Gobolka Togdheer Ee Burco, Ayaa Hadda Sidda Ay Sheegayaan Wararka Kasoo Gaadhaya Shabakedda
 Wararka Ee Qumannews.net Lagu Xidhay MUJAAHID Axmed Ismaaciil Qalaaf Oo Ka Mid Ahaa MUJAAHIDDIIN Shalay Warbaahinta Kala Hadlay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

MUJAAHID Axmed Ismaaciil Qalaaf Oo Ka Mid Ahaa Jabhaddii Hubaysannayd Ee SNM, Isla-markaana Dagaalkii Qadhaadhaa La Gashay Xukuumaddii kacaanka Ee Uu Hogaamin Jiray Alle Ha U Naxariistee Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre. Kuna guulaystay Inay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Ka Xoreyaan Taliskii Macangaga Ahaa Ee Siyaad Barre Sannadkii 1991-kii Ayey Ciidamadda Amaanka Ee Burco Xidheen Magaaladdaas.

Warka Naga Soo Gaadhaya Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer, Ayaa Sheegay in MUJAAHID Qalaaf Ay Xabsiga u taxaabeen Ciidamadda RRU-da. Iyaddoo Uu Magaaladda Burco Ku Sugnaa Maalmihii U Dambeeyey Hogaanka Ciidanka RRU-da Iyo SPU-da Gaashaanle Sare Ina Axmed Tiir Oo wata Ciidamadda Badan Oo Uu Magaaladda Hargeysa Ee Caasimadda Dalka Ka Sii kaxaystay Markii Uu Tagayey Magaaladda Burco.

Lama Ogga Sababta Dhabta Ah Ee Keentay Xadhiga MUJAAHID Axmed Ismaaciil Qalaaf.  Balsa Waxa La Filayaa Inuu La Xidhiidho Hadalkii Uu Warbaahinta Uu u mariyey Khamiistii Shalay Madaxweyne Biixi Isaga Iyo MUJAAHIDDIIN Kale Oo Hore Uga Tirsannaa Jabhaddii Hubaysannayd Ee SNM. Kaasoo Ay Madaxweyne Biixi Kaga Dalbaddeen Inuu Doorashadda Madaxtooyadda Wakhtigeedda Ku Qabto.

Geesta kale Waxa Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Lagu Arkayey Dhawrkii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Ciidamadda Kala Duwan Oo Aad U Badan, kuwaasoo Shacabka Reer Burco-na Ay Aad Ula Yaabeen Sababta Ciidankan faraha Badan Magaaladda Guddaheedda Loo Soo Galiyey. Iyaddoo Aanay Jirin Wax Amaan Darro Ah Oo Ka Jirta Magaalo Madax-da Gobolka Ee Togdheer Ee Burco Oo Ay Nabad-galiyadda La Qabto Waddanka Intiisa kale.

Wixii Warar ah Ee Kasoo kordha Kala Soco Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net.

Tifaftire Khaddar Ali Khum  
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured