"Feedhkii Saaka Iyo Qalaamad-rogadkii Ka Dambeeyey Ee Xildhibaan Meecaad Ma Digniin Ku Wajahan Baa Saaxiibaddiisa Golaha Ay Ku Wadda Jiraan"?/FAALLO Tifaftire Khaddar Ali Khum.

0
Saturday January 15, 2022 - 21:49:21 in by Super Admin
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Feedhkii Saaka Iyo Qalaamad-rogadkii Ka Dambeeyey Ee Xildhibaan Meecaad Ma Digniin Ku Wajahan Baa Saaxiibaddiisa Golaha Ay Ku Wadda Jiraan"?/FAALLO Tifaftire Khaddar Ali Khum.

    Hargeysa (QMN)- Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiiladda Ee JSL, Lagu-na Ansixinayey Odoroska Miisaaniyadda Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiiladda Ee JSL, Lagu-na Ansixinayey Odoroska Miisaaniyadda Qaranka
 Ee 2022, Waxa Ka Dhashay Buuq Iyo Murun Gacan Ka Hadal Keenay, Kadib Markii Ay Isku Maan-dhaafeen Labadda Xildhibaan Ee Maxamed Abiib Yuusuf Iyo Cabdikariim Xuseen Meecaad.

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Meecaad, Ayaa dul Istaagay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Kursigii Uu Ku Fadhiyey, durba Hadal Dhexmaray, Ayaa Keenay Inuu Meecaad Gacanta u Qaado Xildhibaan Abiib, taasoo Ahayd ficil Laga Wanaagsan Yahay Inuu Xildhibaan Ummaddi Soo dooratay Uu Gacanta u Qaado Xildhibaan kale Oo Ay Golaha Ka Wadda Tirsan Yihiin, Isla-markaana Ay Danta Guud Ee Qaranka-na Ku Walaaloobeen.

Alle kama Dhigin Inuu Halkaa Wax Dhib Aad U Weyni K Dhacdo. Balse Wuxuu Ahaa ficil Guracan Sumcad Xumanna Ku ah Haybadda Iyo Dhawrsannaanta Golaha Wakiiladda. Iyaddoo Ay Niyad Jab Aad U Weyn Ku Tahay Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Ee Soo Doortay Gole Ay Ka filayeen Isbadel Tol-moon Inay Arkaan Waa'baryey Iyagoo dhexdoodda Iska dilaya, Halka Ay Uga Shaqeyn Lahaayeen Dannihii Ay U Soo Doorteen Ee Ay Wakhtiga Badan Bacadka, Dhaxanta Iyo Dhibta Weyn U Soo Mareen Siddii Ay Iyaga Halkan u Soo Gaadhsiin Lahaayeen Si Ay Uga Turjumaan Baahiyaha ka Jira Deegaannaddoodda, Isla-markaana Ay Haa-kah u Yidhaahddaan marruun Aragtidda Cid Ay Soo Doorteen Oo Rabitaankoodda Dhabta Kaga dhabeysa.

Xildhibaanka Waxa Saaran Masuuliyad Adag, Isagoo huwan Shareftii Iyo Karaamadda Shacabka Soo Doortay, Waana Ceeb Inuu Garan Waayo Xildhibaanku Masuuliyadda Culus Ee Qaranka Iyo Ummaddii Soo dooratay-ba Saaran. Ceeb Maaha Kala Duwannaanshaha Fikirka Iyo Doodda Kolba Ajandayaasha Golaha Hor Yaalla Oo Ay Tahay Inuu Xildhibaanku Si Wanaagsan Oo Sharefi Ku dheehan Tahay Uga Dhiibto Dooddiisa Iyo fikirkiisa, Isla-markaana Uu Ixtiraamo Haddii Rabitaankiisa Codka Majooratiga Lagu maquuniyo, Haddii Uu Rabitaankiisu Meel Maranna Uu Saaxiibaddii u muujin libinta Guusha Uu Ka Gaadhay Rabitaankiisa Meel Maray.

Meecaaddoow ma Og-tahay Inaad Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Mataanno Tihiin, kunna Mataannoodeen Laba Xaalo.

1- Inaad Tihiin Laba Xildhibaan Oo Isku Xisbi ah (Kasoo Wadda Baxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI).

2- Inaad Tihiin Laba Xildhibaan Oo Kasoo Kala Baxay Laba Gobol Oo Bari Iyo Galbeedka Dalka Ku Kala Yaalla (Awdal Iyo Sanaag), Isla-markaana Baahiyo Badani Oo Ay Isaga mid Yihiin Ka Jiraan.

Xildhibaan Cabdikariim Xuseen Meecaaddoow Miyaad qaddarin wayday Sxbkaa Maxamed Abiib Yuusuf Mataannimadda idinka dhexaysa Iyo La kaashiga Baahiyaha Ka Jira Gobolladda Aad Kasoo baxdeen Oo Dalka Intiisa kale Ka Dambeeya. Dhacdaye dib uun Ka Dhawr Sharefta Iyo Karaamadda Deegaanka Iyo Ummadda Aad Golaha Ku Matesho.

Cabdikariim Xuseen Meecaaddoow Gacanta Aad U Qaaday Maxamed Abiib Yuusuf, Wuxuu Ceeb Ku Yahay Mil-gaha Iyo Gobanimadda Lagu Majeerto Deegaanka Iyo Ummadda Aad Golaha Ku Matesho Oo Aan kow Ka Ahay Anigu. Oggsoonnoow Wuxuu Ahaa ficil Runtii Aad Ii Idamaqday Aragtii Il-qabadka Ee Gacan Qaad kaasi.

Ta kale 

1- Meecaaddoow Muuqaalka Aad baahisay, Kadib Dirirtii Adiga Iyo Abiib Idin Dhexmartay Maxaad Uga Jeeddaa?.

2- Feedhkii Saaka Iyo Qalaamad-rogadka Xildhibaan Meecaad Ma Digniin Ku Wajahan Baa Saaxiibaddiisa Golaha Ay Ku Wadda Jiraan?.

Xildhibaan Uga Jawaab Su'aalahan Ummadda Aad Matesho Oo Aan Ka Mid ahay.

Waan Kuu Diir-naxayaa.

Meecaaddoow Sharef Iyo Karaamo korkaaga Ha Ahaato Xildhibaankaygii-yoow. Sidoo kale Waxaan Qiimo Weyn U hayaa Sxbkay Walaalkay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf Oo Aan Leeyahay, Gobaad Tahaye Ku liq Arinkaa Kaaga Yimid Sxbkaa Xildhibaan Meecaad, Xildhibaannaddii Badnaa Ee Ay Isku Deegaanka Yihiin Sxbkaa Ee Ku Raali-gelinayey Iyo Dhammaan-ba Xildhibaannadda kale Ee Golaha Wakiiladda.

Tifaftire Khaddar Ali Khum.
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured