Golaha Wakiiladda Ee JSL Oo Maanta Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Ee 2022-ka.

0
Saturday January 15, 2022 - 22:02:02 in by Super Admin
  • Visits: 160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiiladda Ee JSL Oo Maanta Ansixiyey Odoroska Miisaaniyadda Qaranka Ee 2022-ka.

    Hargeysa (QMN)- Fadhigii Golaha Wakiiladda JSL Oo Uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL Md Cabdirisaaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Fadhigii Golaha Wakiiladda JSL Oo Uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL Md Cabdirisaaq
 Khaliif Axmed, Ayaa maanta Wax ka bedel balaadhan ku sameeyey odoroska Miisaaniyada Qaranka JSL.

 Waxa 10%  loo kordhiyey Mushaharka Ciidamada kala duwan ee JSL  oo loogu daray 20%kii  Dawladu Miisaaniyada ku soo dartay taas oo noqonaysa in 30% mushaharka Ciidanka la kordhiyey.

Miisaaniyada  Doorashooyinka Ayay Goluhu u kordhiyeen qoondadii markii hore loogu talo galay

Waxa sidoo kale sida idiinka muuqata Lifaaqa wax ka bedelka balaadhan ee miisaaniyada lagu sameeyey oo taabanaysa Nolosha Bulshada sida Biyaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waana markii ugu horaysay ee Goluhu Lacag intaas leeg (59 Bilyan oo somaliland shiling) ka bedelaan halkii markii hore loo qoondeeyey oo loo leexiyo Meel kale oo uga baahi badan.

Gudida dhaqaalaha Ganacsiga iho Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL ayaa Hawshan ku mashquulsanayd 2 todobaad iyo dheeraad aanay saacad qudha ka nasanin.

Tifaftire Khaddar Ali Khum.
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured