Madaxweynaha JSL Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Gaadhay Dalka ETHIOPIA Si Ballaadhan-na Loogu Soo Dhoweeyey.

0
Tuesday January 18, 2022 - 18:00:14 in by Super Admin
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha JSL Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Gaadhay Dalka ETHIOPIA Si Ballaadhan-na Loogu Soo Dhoweeyey.

    Addis Ababa (QMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa (QMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaadhnaa
 ee uu hoggaaminayey oo saaka safar shaqo kaga dhoofay magaalada Hargeysa, ayaa gaadhay caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxana madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka socota dawladda Ethiopia, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa, Mudane Axmed Shide iyo wasiirudawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed, ayaa si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, waxana loo gudbiyey qolka VIP-da ee madaarka, halkaas oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen, waxana intaas kaddib lagu gelbiyey gaadiidka lagu soo dhaweeyo wufuudda dalkaas timaadda, kuwaas oo madaxweynaha iyo weftigiisa u qaaday goobtii loogu talo galay.

Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ithiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured