Hogaanka Sare Ee Garabka Haweenka Heer-qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo Kulan Mihiim Ah La Yeeshay Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Garabyadda Haweenka Degmooyinka Caasimadda.

0
Tuesday January 18, 2022 - 18:03:48 in by Super Admin
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaanka Sare Ee Garabka Haweenka Heer-qaran Ee Xisbiga WADDANI Oo Kulan Mihiim Ah La Yeeshay Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Garabyadda Haweenka Degmooyinka Caasimadda.

    Hargeysa (QMN)- Hoggaanka Sare Ee Garabka Haweenka Heer-qaran Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Shir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Hoggaanka Sare Ee Garabka Haweenka Heer-qaran Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Shir
 Balaadhan kula Yeeshay Xaruunta Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Ee Caasimadda Hargeysa Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex iyo Garabyadda Haweenka Ee Degmooyinka Caasimadda Hargeysa Ka Kooban Tahay.

Kulankan Mihiimka Oo Ay Shir-guddoominaysay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Ee Heer-qaran Ee Xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Kayse Faarax, Isla-markaana Ay Wehelso Marwadda Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble Oo Saaka Shirka Kasoo Qayb Gashay Shirkan Heerkiisu Sareeyey, Ayaa Si Weyn Loogu-lafo guray Dar-dar-gelinta iyo Diyaar-garowga Doorashadda Madaxtooyadda Ee Qorshaysan Inay Dalka Ka Dhacdo Hadduu Alle yidhaahdo Bisha Novermber Ee Sannadkan 2022-ka Iyo Waliba Siddii Ay Garabka Haweenka Ee Heer-qaran Ee Xisbiga WADDANI Ay U Dhaqaajin Lahaayeen Dhammaan-ba Hawlaha Shaqo Ee Kaga Xidhan Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Iyo Garabyadda Haweenka Ee Degmooyinka Caasimadda Hargeysa Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

Shirkan Ay La Yeesheen Hogaanka Sare Ee Garabka Haweenka Ee Heer-qaran Ee Xisbiga WADDANI Iyo Marwadda Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble Garabka Haweenka Ee Gobolka Maroodi-jeex Iyo Iyo Garabyadda Haweenka Ee Degmooyinka Caasimadda Hargeysa Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Kusoo Dhammaadday Jawi Degan. Iyaddoo Si Weyn La Isugu Waafaqay Dhammaan-ba Ajandayaashii Shirkan Mihiim Ah Lagu Gor-feeyey.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured