"Waxaanu Bogaadineynaa Dooda Caawa ka Socota Aqalka Baarlamaanka Dal-weynaha UK Oo Ah Mid Qarankeenu U Baahanyehey Si Aynu U Helo Aqoonsi Booxa" Laanta Dalka Sweden Ee Xisbiga WADDANI.

0
Tuesday January 18, 2022 - 21:55:26 in by Super Admin
  • Visits: 256
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Bogaadineynaa Dooda Caawa ka Socota Aqalka Baarlamaanka Dal-weynaha UK Oo Ah Mid Qarankeenu U Baahanyehey Si Aynu U Helo Aqoonsi Booxa" Laanta Dalka Sweden Ee Xisbiga WADDANI.

    Stockholm (QMN)- Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Xisbiga WADDANI Ee Dalka Sweden, Ayaa Qoraal Ay Soo Saareen Si Weyn Ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Stockholm (QMN)- Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Xisbiga WADDANI Ee Dalka Sweden, Ayaa Qoraal Ay Soo Saareen Si Weyn Ugu
 Soo Dhoweeyey Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland Oo Baarlamaanka Dalka Ingiriiska Lagaga Dooddayo.

Laanta Xisbiga WADDANI Ee Dalka Sweden, Waxay Si Buuxda u Caddaysay Inuu Xisbiga WADDANI si Gaar ah u Soo Dhoweynayo Doodda Baarlamaanka Ingiriiska Ee Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland, Isla-markaana Ay Taageero Buuxda Uu Xisbiga WADDANI La Garab Taagan Yahay Xildhibaannadda Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland keenay Baarlamaanka Dalka UK.

Qoraalka kasoo Baxay Laanta Dalka Sweden Ee Xisbiga WADDANI Oo Ay Soo Gaadhsiiyeen Qumannews.net Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Dalka Sweden, Wuxuu U dhignaa Siddan "Waxaanu Bogaadineynaa Dooda Caawa ka socota aqalka Baarlamaanka dalweynaha UK oo Ah mid Qarankeenu ubaahanyehey Si aynu u helo Aqoonsi Booxa.

Waxaa kaloo aan u mahad Celineynaa Dhammaan cidkastoo ka Soo shaqaysey doodan oo sy ugu Horeeyaan Xildhibaannadda u dhashey UK ee iyaguna inoo muujiyey Taageerada qiimaha leh.

Waxaan kaloo ku boorineynaa Dhamaan Shacabka reer Somaliland Ee degen Dalka UK iney Muujiyaan Wadaninimo oo ay Tussan Dadka Reer UK Sida ay Qadiyadani inooga Go,antahey iyo Rabitaankeena ku Aaden in caalamku Aqoonsi buuxa Ina Siiyo 
Allah Mahadle"Laanta Xisbiga Ee Dalka Sweden Waddani Stockholm Sweden.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured