Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Marti Qaad Rasmi Ah Ka Helay Raysalwasaaraha Dalka ETHIOPIA, Galabta-na Gaadhay Caasimadda Adis-ababa Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey.

0
Thursday January 20, 2022 - 19:59:06 in by Super Admin
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Marti Qaad Rasmi Ah Ka Helay Raysalwasaaraha Dalka ETHIOPIA, Galabta-na Gaadhay Caasimadda Adis-ababa Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey.

    Adis-ababa (QMN)- Raysalwasaaraha Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee ETHIOPIA Dr Abiya Axmed, Ayaa Marti Qaad Rasmiya U

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis-ababa (QMN)- Raysalwasaaraha Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee ETHIOPIA Dr Abiya Axmed, Ayaa Marti Qaad Rasmiya U
Soo Diray Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Isagoo Ka Jawaabaya Marti Qaadka Uu Raysalwasaaraha Dalka ETHIOPIA Dr Abiya Axmed Uu Ka Helay Ka Dhoofay Dalka Galabta, Isagoo Si Nabad Qab Ah-na Ku Gaadhay Caasimadda Adis-ababa Ee Dalka ETHIOPIA Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyey Garoonka Diyaaraddaha Ee Boli International Air-port.

Booqashadda Shaqo Ee Dr Cabdiraxmaan Cirro Uu Ku tagay Dalka ETHIOPIA Oo Qaadan Doonto Laba Maalmood, Isla-markaana Uu Ku Matalayo Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka Ah, Ayaa La filayaa Inuu kulanno Kala Duwan La Yeelan Doono Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Dalka ETHIOPIA, Gaar Ahaan Raysal-wasaare Dr Abiya Axmed Oo Ay Bari kulmayaan. Iyagoo La Filayo Inay Ka Wadda Hadlaan Arrimo Badan Oo La Xidhiidha Dannaha Ka Dhexeeya Labadda Dal Ee Somaliland Iyo ETHIOPIA.

Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Dr Abiya Axmed, Ayaa Waxa Ugu Muddan Waxyaabaha Ay Sidda Aad Ah Uga Wadda hadli Doonaan Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda Ee Sannadkan Ka Dhici Doonno JSL.

Geesta kale Waxa Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Inta Uu Joogo Adis-ababa Wuxuu kulanno Gaar Ah La Yeelan Doonnaa Masuuliyiinta Dalalka Urur Gobolleedka IGAAD, Dublamaasiyiinta Dalalka Qaaradda Yurub Iyo Jaamacadda Carabta u Fadhiya Caasimadda ETHIOPIA Ee Adis-ababa, kuwaasoo Dhammaantood-ba Uu Kala Xaajoon Doonno Siddii Ay U Qabsoomi Lahayd Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland 13-ka Bisha November Ee Isla Sannadkan 2022-ka Ku Muddaysan Inay Ka Dhacdo Dalka.

Marti Qaad Rasmiga ah Ee Uu Dr Abiya Axmed Raysalwasaaraha Dalka ETHIOPIA Uu Ku Maamuusay Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Kusoo beegmaysa Xili Uu Ka Soo Laabtay Marti Qaad Uu U fidiyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi Oo Shalay Kasoo Laabtay Booqasho Qaadatay Hal Maalin Oo Uu Ku Tagay Dalka ETHIOPIA, Isagoo Kulan Gaar Ah La Qaatay Raysal-wasaare Abiya Axmed. Kuwaasoo Si Weyn Uga Wadda Hadlay Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland Oo Xiligeeddii.

Dalalka Jaarka Iyo Dhammaan-ba Dalalka Beesha Caalamka Ee JSL Ka Taageera Dhinaca Doorashooyinka Iyo hanaanka Horumarinta Dimuqraadiyadda Somaliland, Ayaa Si Weyn U Doonnaya Inay Doorashadda Madaxtooyadda Ee Somaliland Ku Dhacdo Wakhtigeedda 13-ka Bisha November Ee Isla Sannadkan 2022-tan.

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured