"Ninkii Aan Is-yeelyeelahayni Wuu Og-yahay In Xildhibaan Barkhad Batuun Uu Somaliland Wanaag Iyo Horumar La Doonayo" Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI.

0
Sunday January 23, 2022 - 18:05:08 in by Super Admin
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ninkii Aan Is-yeelyeelahayni Wuu Og-yahay In Xildhibaan Barkhad Batuun Uu Somaliland Wanaag Iyo Horumar La Doonayo" Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI.

    Hargeysa (QMN)- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Md Khaddar Xuseen Cabdi, Ayaa Iftiimiyey Wanaagga Iyo Qiimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Md Khaddar Xuseen Cabdi, Ayaa Iftiimiyey Wanaagga Iyo Qiimaha
 Badan Ee Uu Dalka Iyo Dadkiisa-ba Ku Leeyahay Xildhibaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka JSL Ee Md Barkhad Jaamac Batuun, Isla-markaana ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

Qoraal kooban Oo Uu Kaga Fal-celiyey Xoghaye Khaddar Xuseen Cabdi Wasiir Saleebaan Cali Koore Oo Isku dayey Shalay Inuu Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Aamusiiyo Mar Uu Ka Hadlayey Fagaaraha Beerta Xoriyadda Caasimadda Hargeysa.

Qoraalkan Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Md Khaddar Xuseen Cabdi Oo Uu Ku Baahiyey Barta Uu Ku Leeyahay Mareegta Xidhiidhka Dadweynaha Ee Facebook, Wuxuu Ku Yidhi Siddan "Ninkii aan is yeelyeelahayni wuu ogyahay in xil Barkhad Batuun uu Somaliland wanaag iyo horumar la doonaayo. Mudahraadka taageerada xildhibaanada ingriiska isagaa ka soo bilaabay gurigii uu ku dhashay iyo xaafada Daami. Saleban Ali Koore marka uu robo inuu aamusiiyo ma waxaanu fahmin ninkan aan u mahadnaqayno ee Ingriis wuxuu inagu amaanay doorashooyinka iyo xoriyada hadalka miyaanay is diido ahayn marka isla goobtii Koore uu Xildhbaan ka ugu codka badan golaha wakiilada uu rabo inuu aamusiiyo.

Waxaan leeyahay Saleebaan hadaad Somaliland wax tarayso oradoo 10 qof oo u mahadnaqa nimankaa ingriis ee inoo hiiliyay Buuhoodle ka dhex hadashii hadii kale Xildhban Barkhad ha la murmin".

Tifaftire Khaddar Ali Khum 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured