![]() Taliyaha Guud Ee Ciidanka Somaliland Oo Dalacsiiyey Saraakiil Ka Tirsan Booliska Dalka.
Hargeysa (QMN)- Taliyaha Ciidanka Booliska JSL General Maxamed Aadan Saqadhi ayaa Maanta Dalacsiiyey 5 Askari Oo
ka mid ciidankii maanta sugaayay Amaanka Shacbigii ku banaan baxaayay Beerta Xoriyada.
Taliyaha ayaa Dalacsiintan uu Dalacsiiyay Ciidanka ku sababeeyay kadib markii ay guteen wajibkogii isla markaana sugeen Amaankii goobta ay si dareen muwaadinimo leh kula dabaal dageen Shacbigoogii.
Ciidankan ayuu Taliyuhu Dalacsiiyay min Hal Darajo marka laga Reebo K/k 5638 Cabdirashiid Jaamac Cawad oo uu Dalacsiiyay Laba Darajo .
Ciidankan ayaa ka tirsanaa Qaybta Galbeedka Hargeisa gaar ahaan Saldhiga Dhex Halka askariyad kalana ka Tirsantahay Ciidanka Dawalada Hoose Hargeisa
Ciidanka La Dalacsiiyay
K/k Cabdirashiid jama Cawad
L/Ale Sagal Cabdilaahi Xuseen
L/Ale Ayaan baashe Maxamuud
L/Ale Cabdi Asker Mahamed
D/le Mukhtaar Ibraahim Jabrill
Geelle Hassan
Madaxa Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2022 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Taliyaha Guud Ee Ciidanka Somaliland Oo Dalacsiiyey Saraakiil Ka Tirsan Booliska Dalka.
Hargeysa (QMN)- Taliyaha Ciidanka Booliska JSL General Maxamed Aadan Saqadhi ayaa Maanta Dalacsiiyey 5 Askari Oo