Dhaliil iyo Toosin ku Socota Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

0
Friday January 28, 2022 - 16:25:30 in by Super Admin
  • Visits: 471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhaliil iyo Toosin ku Socota Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

    Sidda aynu la socono 31 may 2021 waxa ay shacabka Somaliland doorteen xildhibanada Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidda aynu la socono 31 may 2021 waxa ay shacabka Somaliland doorteen xildhibanada Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland,
 Iyagoo lagu doortay Doorasho toos ah oo ay ku lamaanaayen Goleyaasha Deegaanka dalka oo dhan.

Muddadi la an sixiyay ee ay golaha fadhisten ilaa manta oo y taarikhdu tahay 24 Jan 2022, wali ma ay fadhiisan hal mar 82 Xildhibaan ee ay bulshada is bedel donka ahayd dooratay sida lawada og yahay,
Malintii ay dooranayen Shir-guddoonka Baarlamanka ayay ugu badnaayen oo Waxaa Golaha fadhiyay 81 Xildhibaan oo sida ku doortay Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba waxay bulshadu Is waydiinaysa maxaa golahan wakiilada ay kaga duwanan karan golihii hore ee 15 sano fadhiyay ee ay bedelen islamarkana ay iyagu kaga soocnan doonan Golihii hore!

Muddo  hada 7 bilood iyo xooga ah ayay dhisan yihin Golaha Wakiiladdu maalin kaliya maso wada xaadirin goluhu, khaliifyo badanba so kala dhex galay, walina si wacan iskulamay qabsan, Wax xeer ah Wax ka bedel iyo kaabis toona kumay samayn, xeer cusub may abuurin ilaa hada , jadwal ka maalinlaha ah ee ay yimadan golaha wali waa kii hore oo kale, waxna iskamay bedelin, oo waxa taa ku cadayn ah.

1. Goluhu wuxu shaqeeya wiiki 3 cisho 
2. Saacadaha ay shaqeeyan waa 8:00 am ilaa 12:00 pm 
3. Xiliga galinka hore un bay shaqeyan wiiki 
4. Bishi waxay yaqeeyan 4 wiikba 3 cisho ka mid ah oo noqonaysa bishi 30 ka cisho ahayd waxay shaqeeyan 12 cisho, halka ay saacadahana ka noqonayso 12 days × 4 hrs = 48 saac bishi oo dhan, sanad  marka loo xisaabiyana noqonaysa 12x48 hrs = 576 saac sidas oo ay tahayna fasaxyo ku jiran anan xisabin balse qiyaas ahan hadii ay shaqayn lahayen 12 biloodba ay saas noqon doonto.

Sidaas darted golaha waxan uso jeedin laha ka muwaadin ahaan in xeer hoosadka golaha ay an sixiyeen iyagu inay Wax ka bedelan, siiba saacadaha shaqada iyo waqtiga iyo ayaamaha si ay shaqada bulshada u hayan uga so baxan si hufnaan leh wadankana xeerarkisa fadhiidka ah siiba kuwa muhiimka bulshadana u ah dantuna ugu jirto ay dhaqaajiyan oo meel mariyaan, kuwii hore Wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyan, isla markana la xisaabtan dhab ah la yeeshan haayadaha iyo wazaaradaha kala duwan ee dalka, bulshadana ay la wadaagan Wax qabadkoda bilaha ah iyo ka sanad laha ahba. 

Waxan uso jededin laha Golaha Wakiiladda Inay sidan ushaqeeyan sacadaha iyo waqtigaba;

1. Wiigi inay shaqeyan 5 cisho oo ka bilaabmaya sabtida ilaa arbacda si joogta ah , khamista iyo jimcaha iska nastan ama danahoda shaqsiyaded uga faaidaystan labada Maalmood.

2. Waqtiga shaqada ay ka dhigaan labada galin iyo habenkaba si lamid ah kuwa caalamka oo ay doodi Baarlamanka UK ugu doodayen ictiraaf raadinta somaliland ay cashar ka bartan weeleyana sida baarlamanada adunku u shaqeeyo saddex da waqtiba.

3. 10 saac  inay shaqeeyan malintii, una kala qaybsan saddex shift  oo ka bilaabmaysa;
Shift one, 7:00 am ilaa 12:00 pm 
Shift two, 4:00 pm ilaa  6:00 pm
Shift three 6:30 pm ilaa 9:30 pm 

4. Inay kulamada so xaadiran 82 xildhiban malin kasta hadii ayna jirin, fasax noocu doonaba ha ahaade, mid shaqsi, mid family, mid gaar ah, mid shaqo, iyo mid cafimadba.

5. Inay dawlada marka jirtaba tan hada jogta iyo hadii mid kale bedeshaba ayna kala jeclaysan ee ay si dhab ah ula xisabtaman iyago mar walba fiirinaya danta bulshada iyo degaanadi laga so dortay baahiyaha markas gu gadaman.
6. Inay yareeyan khilaafka dhexdooda ee bulshada kala kaxaynaya ee micnaha badan ku jirin, isla markana khilaafadka siyaasiga si nabada oo cadaalada dhex dooda ku xalistan muddo kooban oo waqti badan kaga lumin.

7. Xeerarka ama sharciyada ay uso baas gareeyan laamaha fulintu inayna marki duudub ku ansixin siiba miisaaniyada dalka oo ay ad uga baarandegaan mar walba si hufnan iyo isla xisbtan dhab ahi u yimaado.
8. Musuuliyinta dawlada Madaxweynuhu so magacabo inayna iska an sixin mid kastaba si aqlibiyada ee ay kala shan dheeyan oo qaar diidan kuwana yeelan joojiyan duudubka Ansixinta Joogtadda ah.

9. Lixda Gobol ee waa wayn inad xarumo ku yeelatan shaqeya oo wakiilo idin fadhistan, xildhiban kastana sameysto shaqaale ka caawiya howsha uu qaranka u hayo una fududeeya shaqadisa maalinlaha ah.
10. Inaad deeganadini iyo dadkini Wax kuso celisan kuwaas oo ah kuwii idin soo doortey ee ad ku metelaysan Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn inad weelaysan, akhristan, dhuuxdana nuxurka hadalkayga si khaldana aydan u  fahmin una turjuman, kana so qadan  muwaadin isbedel doon ah.

Fg: inaan manta mawducan ka hadlo waxa igu dhaliyay oo idamqay markan manta maqlay golihii wakiiladee cusba 45 mudane oo kaliya ku joogen manta, oo masuul dawladed bay ku ansixiyen duuduub 44 mudane, Guddoomiyaha oo ah mudanihi 45 aadna mu codeyn, iyaga oo ay maqnaayen 37 mudane sida awged ban uga xumaday arinta, ina damaqday talooyinkana idinku so jeediyay si muwaadinimo.

Isbedel doon Isha Allah Somaliland 
WQ,✍;  Shaafici Maaweello


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured