Xaaladda Waddanku Marayo Xiligan Waa Mid Aad U Adag/Waxa Qoray Shaafici Maaweello.

0
Tuesday February 22, 2022 - 22:51:36 in by Super Admin
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Waddanku Marayo Xiligan Waa Mid Aad U Adag/Waxa Qoray Shaafici Maaweello.

    Maanta Waddanku Wuxuu maraya Xaalad Adag oo qalafsan isla markana aad u darxumo iyo darayo badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Waddanku Wuxuu maraya Xaalad Adag oo qalafsan isla markana aad u darxumo iyo darayo badan

Haddan kala qaad-qaado ama  si guud uga waramo xaalada manta wadanku marayo runtii aad ba looga dayrinaya Waddanka.

Manta ama waqtigan waxa taagan abaaro baahsan oo bari iyo galbeed, waqooyi iyo koonfur dhamaan saameyey, Sidoo kale miyi iyo magaalo saameeyey, shicib iyo madax saameyey, Dhammaan qaybaha bulshada meelkasta oo ay joogan saameyey oo cidna ka tagin dad iyo xoolaba.

Waxaa sido kale jira sicir barar baahsan oo wadanka ku habsaday markaliya saameyeyna dhamaan noloshi asaasiga ahayd sida , qowtul yowmkii la cunayay,  shiiladkii, maciishadi, laydhki, biyihi, raashinki, khudaarti, xoolihi, hilibki, dharki, hugii, hoygii, dhulkii, basaski,  kirooyinki, iyo dhaman waxkasta oo dadku ay ubaahnayen oo ahayd nolosha maalinlaha ah. 

Xaaladda kale wadanku ku jira oo ah xaalad cakiran saamaynteda wata, taas oo ah siyaasad xumo, iyadana  inoogu wacan waa xaaladan wadanku ku jiro manta.
 Siyaasadda wadanka hada lagu dhaqo maaha mid dabooli karta baahiya nolosha iyo bulshada waana siyaasad liidata oo ka awood badan yihin gacansatadu.

Taas waxa u sabab ah Wasaaraddihi ku shaqada laha oo fadhiid noqday oo bulshadi loo ig maday inay u shaqeeyan waxba u qaban,  xakamayn kari waayayna Sicir-bararka Soo noqnoqonaya markasta iyo abaarahan wadanka ka jira iyo ganacsatada dadki wax kasta ku qaaliyeeyey.

Dhanka kale hadaynu eegno manta 
Siyaasadda Waddanku meel xun bay maraysa oo waxa suurta gal ah in iska hor imaad bulsho iyo qalalaase Siyaasaded oo la xakamayn kari waayo dhaco isla markana wadanka fowdo kale ku abuuranto oo xaaladuna  kasii darto.

Xaaladahan Siyaasaddeed waxa sababaya ama dabada ka riixaya, is fahan waaka xeerarka doorashada ururada cusub ee la rabo in la furo oo la dhamaystirin dhanka kalena xisbiyada iyo xukuumadu midba dhan ka istaagay bulshaduna qaarna taagersan yihin qaarna diidan yihin furista uruada, isfahan waa u dhaxeeya xisbiyada dhanka doorashiyinka ta lasoo horeysiinayo, dib dhac ku imanaya doorshada madaxtooyada sida wax u socdan hada marka la eego, muddo korodhsi laga baqayo, muddo dhaaf asxaabta qaranka, kala dirida gudida doorashinka qaranka ee  kuminshanka doorashooyinka kuwaas oo hada mid iska casilay kuwa kalena suurta gal tahay in lakala diro iyado loo sababaynayo hanti dhowrka oo galay laguna eedaynayo musuqmaasuq , muddo dhaaf golaha guurtida, hada oo ay galeen fasax golaha wakiilada, fasaxaas ay galeen golaha wakiilada wuxu caqabad ku noqonaya diwaangalinta furista ururada taas oo ay sababayso in aanay ansixin gudidi madaxwayuhu magacaabay lagana yaabo markay fasaxa kaso noqdan oo noqonaysa bacda Ramadan in ay gudidan muddadi ka dhacday, ama iyaguba diidan oo dib oo madaxweynaha ku celiyan dib dhac kale halka ka yimaado , dib u dhacaas oo jaanis mucaaridka u ah halkaas  kaso baxay taaso keenaysa in sanadkan 2022 aan la diwaangalin Ururaddii, Doorashadda Madaxtooyaddu dib u dhacdo, Xisbiyaddu liisanku ka dhaco.

Siddaa Awgeed Maanta Xaaladda Waddanku meel xun ayay maraysaa oo hadii bulshadu u midoobin 20 sano din inoo celinaysa, aduunki inagu soo jeedayna inaga sii jeedinaysa,  wadanka waxa lagu tirinaya ama uu ka  mid noqonaya wadamada bariga africa ee qaska iyo qalalaasaha  siyaasaded hadheeyen iyo xaaladaha bulsho ee Africa hadheeyey hadii ayna dadwaynuhu manta wax ka qaban. 

Ugu dambayn Waddanka inaga leh ee aynu wax ka bedelno bulsho ahaan iyo Dawlad ahaanba, sidaa  ku sii soconkari maayo wadanku xaaladahan jira owgood.

WQ/ : Shaafici Maaweello.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured