Maayarka Caasimada Hargeysa Waxaan Kula Talinayaa Inuu Asteeyo Maalinta Dhismaha Waddooyinka/Waxa Qoray Suxufi Saleeban Kalshaale.

0
Thursday March 24, 2022 - 23:08:35 in by Super Admin
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Caasimada Hargeysa Waxaan Kula Talinayaa Inuu Asteeyo Maalinta Dhismaha Waddooyinka/Waxa Qoray Suxufi Saleeban Kalshaale.

    Mudane waan kugu hambalyeynayaa dhaqaaqa cusub iyo dardarta shaqada horumarinta caasimada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane waan kugu hambalyeynayaa dhaqaaqa cusub iyo dardarta shaqada horumarinta caasimada.

Waxaad ku guulaysateen hagaajinta bilicda magaalada iyo kor u qaadida nadaafadda, taasoo uu culayskii ugu weynaa lagu suuliyey Olollihii khamiista u dambeysa bil kasta.

Sidaasi darteed, mudane waxaan kugula talinayaa in aad ku dhawaaqdo maalinta dhismaha waddooyinka oo bille ah. Tusaale ahaan in bil kasta Isniinta u dambeysa loo asteeyo maalinta Dhismaha, banaynta iyo nadiifinta waddooyinka.

Maalintaasi, waxay noqon doontaa maalin reer Hargeysa ay saacado kooban u dareerraan olollaha hawl-wadaagga dhismaha iyo hagaajinta Jidadka Magaalada ee halbowlaha, xaafadaha iyo Suuqyada. 

Olollahaasi waa inuu noqdaa mid ay ku tartamaan degmooyinka, Xaafadaha,qaybaha bulshada iyo Ganacsatada magaaladu,  islamarkana laysku qiimeeyo, layskuna abaal-mariyo.

Arrintani waxay faa'ido weyn u tahay horumarinta Jidadka, kobcinta Waddaniyadda, wax-wada qabsiga, wada-shaqaynta Dawladda hoose iyo shacbiga iyo sidoo kale kalsoonida Umadda.

Hawshani waxa kale oo ay sahlaysaa siday inala tahay in xaafad kastaa dariiqyada dhex mara iyadu ay ka shaqayso oo ay samaysato.

Allaa Mahad leh

Waxa Qoray Suxufi Saleeban Kalshaale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured