AHUN General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) Aaskii Qaran Ee Loo Sameeyey Marxuumka Waxaa Diiday Inuu Kasoo Qaybgalo Madaxweyne Biixi?/Waxa Qortay Saxafiyad Bushaaro Baadday.

0
Monday May 02, 2022 - 00:38:26 in by Super Admin
  • Visits: 322
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AHUN General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) Aaskii Qaran Ee Loo Sameeyey Marxuumka Waxaa Diiday Inuu Kasoo Qaybgalo Madaxweyne Biixi?/Waxa Qortay Saxafiyad Bushaaro Baadday.

    Waxa Maanta Hargaysa lagu aasay AHUN General Jaamac Maxamed Qaalib Jaamac Yare Aaska Qaran ee Marxuumka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maanta Hargaysa lagu aasay AHUN General Jaamac Maxamed Qaalib Jaamac Yare Aaska Qaran ee Marxuumka
 Waxaa diiday inuu kasoo Qayb galo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Hadaba Dhacdadan oo dad Badan Ku noqotay Afkala qaad ayaan Rabaa inaan isyara dul taagno. 
Waxa Jirta inay Siyaasiyiintu is khilaafaan, Is jiidhaan mararka qaarna uu dagaal Gacan ka hadal ahiba dhex maro, 
Halka kuwo kalena isu hub qaataan nafana kala galaaftaan.

Waxa caada ah in Marka uu mid kamid ah Qoodhii dirirtu dhex martay uu xijaabto in kan kale Xalay dhalay ka noqdo Wixii dhacay sidaana taariikhdaas Hore uu ku ilaawo 
Waxa Jirtay xiligii AHUN Cigaal uu Madaxweynaha ka ahaa Somaliland in dagaal qadhaadhi dhex maray isaga iyo Gudoomiyaha Haatan ee Guurtida somaliland Saleebaan Maxamud oo uu xidhay Madaxweyne Cigaal Tiraba laba jeer, 

AHUN Madaxweyne Cigaal oo Khudbad wata ayaa soo qaatay Saleeban oo xidhan warkiisa markaas ayuu yidhi
"Waxaad leedihiin Saleebaan baa la xidhay Saleebaan qolna waanu gaynay Suulina waanu usamaynay”
Waa Halka uu marayay qadhaadhka dagaalka udhexeeyey labadooda, 
Kadib Markii uu geeriyooday Cigaal iyagoo weli ay colyihiin saleebaan lagana keenay maydkiisa South Africa wuxuu ahaa saleebaan ninkii ugu horeeyey ka hortaga maydka Cigaal aaskana Qaybtiisa ka qaata.
AHUN Jaamac yare oo ay dirir adagi soo Dhexmartay AHUN ee Cigaal Markii uu maqlay Geerida Madaxweyne Cigaal wuxuu Waraysi Siiyay BBC wuxuu waraysigaa Jamac yare ku sheegay in walaalkii Cigaal Mayd yahay Uuna cafiyay wuxuuna qiray inuu qof wacan ahaa.
Hadaba Madaxweyne Biixi majirin dagaal isaga iyo AHUN ee Jaamac Yare dhex maray manay ahayn Rag isku Siyaasad isku meeqaam iyo Isku xilitoona ahaa Oo Jaamac Wuxuu ka hadhay Darajada siyaasada Somalida Ragii Halka ugu saraysay ka Joogay.

Haday ba Kuwii Dirirtu dhex martay geerida ku kala maqnaan waayeen Maxaa sababay in Madaxweyne Biixi oo Aan colaadiba dhex marin Jaamac Yare uu diido ka qayb galka aaskiisa Qaran? 
Muxuu maydka Ka Jarayee uu ka Galabsaday? 
Haduuse ka qayb gali lahaa Aaska maxaabay soo kordhin lahayd Aan ka ahayn inuu isagu waa Biixiye uu ka heli lahaa Magac iyo Ajar! 

Dadka Aqoonta Dheeriga u leh Madaxweyne Biixi ayaa tan ku sababeeyay inuu Madaxweynuhu utagi waayay Aaska Maanta Kaliya Naca uu uqabo cida Uu ahaa AHUN ee Jaamac Yare. 

Waa Markale, Maalin Kale iyo Marxalad kale oo Mayd iyo Muuse Biixi Dhex martay. 

Ugu danbayn Madaxweynuhu isagoo og taariikhda uu Jaamac Yare dadka iyo dalkaba ku lahaa 
isagoo og in qiimihiisu sababay inay dawladaha Somaliyeed ee Djibouti iyo somaliya ay dalbadeen inay aas qaran gurigooda ugu sameeyaan 
isagoo og inuu abtigii yahay
maxay kula tahay inuu uga baaqday jinaasada?
ma dalkuu ka maqnaa!?
Ma beertii geed deeble ayuu jiray? oo wuu ka fogaa!?
Miyuu xanuunsanayay oo wuu soo kici kari waayay?
mise isla sababtii uu aaskii xasan guure uga baaqday ayuu Kana uga baaqday?

Eebe ha janeeyo General jaamac maxamed qaalib "jaamac yare"qabrigana eebe haw waasiciyo danbigiisiina eebe haga dhaafoامين

Saxafiyad:-
Bushaaro Baanday


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured