![]() "Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cid Ma Eryi Karo" Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac (Dafac).
Hargeysa (QMN)- Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac (Dafac) Oo Ka Mid Ah Sharci Yaqaannadda Jamhuuriyadda
Somaliland, Ayaa Ka Hadlay Awooddaha Distuuriga Ah Ee Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Leeyahay.
Qoraal kooban Oo Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook, Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac (Dafac) Oo Ay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Kasoo Xigatay, Ayaa U Dhignaa Siddan "Madaxwayne marka kursigiisu banaanaado si kama danbays ah (is-casilaad, geeri, maamuus ka xayuubin…) ama si mudo kooban ah (haddii uu xanuunsado, qalliin la suuxinayo galo, ama mudo dastuur cayimay in ka badan dalka ka maqnaanayo) waxa xilka la wareega ku xigeenka oo yeesha awood buuxda oo madaxwaynenimo mudadaas. Xaaladdan madaxwayne ku xigeenka waxa loo dhaariyaa xilka madaxwaynenimo oo dhaar dheeraad ah oo aan ahayn tii ku xigeenka ayaa la mariyaa.
Haddii se madaxwaynuhu xilkii hayo balse uu dalka ka maqan yahay, ku xigeenku waa ku sime oo malaha awood madaxwayninimo oo buuxda oo uu ku qaadan karo go’aan saamayn leh.
Awoodiisu waxa ay ku kooban tahay sii wadista hawlaha maallin laha ah ee xafiiska madaxwaynaha.
Cid ma eryi karo balse xilka waa ka hakin karaa" Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac (Dafac).
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2022 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cid Ma Eryi Karo" Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac (Dafac).
Hargeysa (QMN)- Garyaqaan Guulleed Axmed Jaamac (Dafac) Oo Ka Mid Ah Sharci Yaqaannadda Jamhuuriyadda