Maayar Cabdirisaaq Hiiro Oo 45 Qof Oo Muwaadiniin Ah Ka Sii Daayey Xabsiga Dhexe Ee Burco, Kadib Markii Uu Ka Bixiyey Daymo Loo Haystay Oo Ay Iska Bixin Kari Waayeen, Shacabkiisa Oo Si Weyn Ugu Hambalyeeyey Talaabaddan Dhanka Wanaagsan Loo Qaadday.

0
Thursday May 05, 2022 - 19:58:43 in by Super Admin
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar Cabdirisaaq Hiiro Oo 45 Qof Oo Muwaadiniin Ah Ka Sii Daayey Xabsiga Dhexe Ee Burco, Kadib Markii Uu Ka Bixiyey Daymo Loo Haystay Oo Ay Iska Bixin Kari Waayeen, Shacabkiisa Oo Si Weyn Ugu Hambalyeeyey Talaabaddan Dhanka Wanaagsan Loo Qaadday.

    Burco (QMN)- Maayarka Caasimadda Labaad Ee Dalka Somaliland Ee Burco Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (QMN)- Maayarka Caasimadda Labaad Ee Dalka Somaliland Ee Burco Md Cabdirisaaq Ibrahim Cabdi (Hiiro),
 Ayaa 45 Qof Ka Sii Daayey Xabsiga Dhexe Ee Magaaladda Burco, Kadib Markii Uu Ka Bixiyey Daymo Kala Duwan Oo Loo Haystay, Iskanna Bixin Kari Waayeen.

Cabdirisaaq Hiiro Maayarka Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer, Isla-markaana Ah Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Degmadda Burco, Ayaa Maalintii Ka Horeysay Ciiddii Soon-fur, Bixiyey Dayntii Loo Haystay 45-kan Qof Oo Ay 34 Ka Mid Ahi Ahaayeen Dhalinyaradda Magaaladda Burco Oo In Muddo Ah Jeelka Weyn Ee Burco Ugu Jiray Daymo Loo Haystay, Isla-markaana Ay Hore Iskaga Bixin Kari Waa'yeen.

Maayar Hiiro Iyo Xubnaha Golihiisa Deegaanka, Ayaa Si Weyn Isaga Xil Saaray Siddii Ay Muwaadiniintan Uga Bixin Lahaayeen daymihii Loo Haystay, Isla-markaana Xabsiga Dhexe Ee Burco Uga Soo Dayn Lahaayeen.

Maayar Hiiro Iyo Xubnaha Golihiisa Deegaanka, Ayaa Talaabaddan Ay Muwaadiniintan Uga Soo daa'yeen Xabsiga Dhexe Ee Burco, Isla-markaana Ay Kaga Bixiyeen Daymihii Loo Haystay Ee Ay Inta Badanna Jeelka Ugu Jireen Xoog Loogu Amaannay. Iyaddoo Shacabka Reer Burco Ay Si Weyn Ugu Farxeen, Isla-markaana Ay Talaabaddan Ay Golahoodda Deegaanku Dhanka Wanaagsan U Qaaddeen Aad U Soo Dhoweeyey, Ugu-na Hambalyeeyey.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine" 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured