"Saxaafadda Somaliland Waxa Ay Dalka Ugu Jirtaa Kaalinta Ay Dawladda Maraykanka Diyaaradaha B-52 Ee Dagaalku Ugu Jiraan!" Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

0
Saturday May 07, 2022 - 21:49:12 in by Super Admin
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saxaafadda Somaliland Waxa Ay Dalka Ugu Jirtaa Kaalinta Ay Dawladda Maraykanka Diyaaradaha B-52 Ee Dagaalku Ugu Jiraan!" Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

    Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ee JSL, Ayaa Ka Hadlay Suxufiyiinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ee JSL, Ayaa Ka Hadlay Suxufiyiinta
 Xidhan Ee Ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Xabsiga Ugu Jira Inta Muddadda Ah.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa Siddan Ku Sheegay Qoraal Dheer Oo Uu Kaga Hadlay Xadhiga Wariyeyaasha Somaliland Iyo Dadka Lagu Xidho Cabirka Fikirkoodda Shakhsiga Ah.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun Wuxuu Ku Yidhi Qoraalkiisa Siddan "Saxaafadda Somaliland Waxa Ay Dalka Ugu Jirtaa Kaalinta Ay Dawladda Maraykanka  Diyaaradaha B-52 Ee Dagaalku Ugu Jiraan!.

Diyaaradaha dagaalka B-52 ee Somaliland leedahay waa saxaadda madaxa bannaan, waxa ay hadh iyo habeen heegan ugu jiraan sidii ay u xambaari lahaayeen gantaalada riddada culus ee dhawaaqoodu meesha dheer ku dhaco, waxa ay cadowga Somaliland ku ganaan war u dhigma danab oo dab iyo dabeyl ku hurgufa waxaanay sawir wacan siiyaan cid kasta oo jecel samaha Somaliland. 

Saxaafaddu waa ubax cas oo ka dul baxay laamaha cagaaran ee geedka weyn ee dawladdnimadda Somaliland ku qotonto dawladdaha dunida ee taageerada dimuquradiyadeenuna marwal oo ay soo jalleecaan dalkeenna waxa ay daawadan quruxda midabka saxaafadda somaliland leedahay, balse hadda waxa ay indhahoodu qabanayaan geedki dawladdnimo oo gudun lagu jarayo caleemihiisi iyo ubaxi ka dul baxay! 

Waxa inagu soo fool leh maalin udubdhexaad u ah jiritaankeena dawladnimo oo si weyn xuskeeda igu diyaar garowno xiiso iyo xamaasadna u leh shacabkeena dareen weyna u gudbineysa dunida. Waxaas'e ayaan darro ah in qaar ka mid ah diyaaradihii dagaalka ee dabbaaldagaas ka qeyb qaadan laha Jeel lagu daboolay! Waxa aan Xukuumadda Kulmiye cod dheer ugu sheegaya in ay xorriyadoodi u soo celiyaan Suxufiyiintan xidhan muddo 23 cisho bilaa Maxkamad. Haddii aad ka xidheen in ay Ciida carruurtoodi la farxaan ha ka xidhina xuska maalinta 18 May. 

Maxamed Cabdi Sheekh "Ilig" waxa uu 3dexdii habeennimo igu dhex waraysanayey suuqa dhexdiisa habeenkii lagu dhawaaqayey natiijadii doorashadda Wakiiladda iyo Deegaanka. Markii uu i soo wacay ayaan ku yidhi " hadda waa habeen ee berri subaxda innooga dhig dadku way wada seexdeen cidina warkan daawan mayso walaale." Wuxuu iigu jawaabay: 

"Waxa aan rabaa in aan dunida tuso nabadda Somaliland dhextaal in ninki ugu codka badna adiga oo ah oo aanay ilaalo kula socon kaligana aad tahay Caalamku arkaan waxa aynu qabsannay." 

Waan ku qancay sidii ayuu saqdhexe Suuqa igu dhex wareysanayey oo uu noqday warkii ugu daawashada badna Sannadkaa ee Telifeshinkiisa ka baxa! Ninki dalka Nabadgalyaddiisa sidaa dunida u tusayey ee haddana dabka suuqa waaheen isaga iyo dhammaan weriyaayaashu caalamka tusayeen dhibta dhaqaale uu geystay dadkeeni in maanta jeel loogu abaalgudo waa mid boogmadow ku ah xorriyatul qowlka iyo xuquuqda dastuurku u dammaanad qaaday dadka Somaliland. 

"Saxaafaddeenu waa codka inta aan codkooda la maqal, Waa carooga xaqa waana saaxiibka cid walba.
Saddexda suxufi ee xidhan xorriyaddooda ha helaan".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine" 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured