Khudbadda Madaxweynaha Ee Muddo-dhaaftay: "Haddii War-bixinta Ay Xambaarsan Tahay Aanay Xaqiiqadda Ku Qotomin Ama Tahay Mid Aan La Hubsan Oo Aan Sax Ahayn, Waa Shimbira-yahoow Heesa" Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

0
Monday May 09, 2022 - 15:54:09 in by Super Admin
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khudbadda Madaxweynaha Ee Muddo-dhaaftay: "Haddii War-bixinta Ay Xambaarsan Tahay Aanay Xaqiiqadda Ku Qotomin Ama Tahay Mid Aan La Hubsan Oo Aan Sax Ahayn, Waa Shimbira-yahoow Heesa" Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

    Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Si Adag U Duray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Si Adag U Duray
 khuddbad Sannaddeedkii Uu Maanta Ka Hor Jeeddiyey Xildhibaannadda Labadda Aqal Baarlamaan Ee JSL (Wakiiladda Iyo Guurtidda).

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Soo Dhigay Bartiisa Facebook Oo Ay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Kasoo Xigatay. Waxaanu Qoraalka Guddoomiyuhu U Dhignayd Siddan "Khudbadda Madaxweynaha ee muddo-dhaaftay: Haddii warbixinta ay xambaarsan tahay aanay xaqiiqada ku qotomin ama tahay mid aan la hubsan oo aan sax ahayn. Tusaale ahaan, waddada Oodweyne oo uu sheegay in wax yari ka hadhsan yihiin, xaalka macaiishadda ama sicirbararka ka jira dalka iwm, iyada oo sannadkii tegay aanay khudbaddu wax badan ka warramin ee ay dhacdooyinkii sannadkan uun sheegtay. 

Haddii aanay wadan qorshe Qaran oo sheegaya qorshaha xukuumadda ee sannadka amase sannadkiiba kala badhanyahay iyada oo weliba Madaxweynaha wakhtigiisii gabaabsi yahay oo lix bilood u hadhay. 

Haddii aanay khudbadda Madaxweynuhu ka jawaabayn dhibaatada taagan iyo duruufaha adag ee bulshada haysta oo aanay xal soo bandhigayn. 

Haddii Madaxweynaha wakhtigiisi dhammaaday aanu soo gudbin oo golayaasha iyo qarankaba la wadaagin qorshahii doorasho. Dee waxay iila muuqataa khudbad aan NUXUR lahayn iyo "Shimbirayahow heesa".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine" 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured