Raysalwasaarihii Hore Ee Israa'iil Ehud Barak Oo Muujiyey Cabsi Uu Israa'iil Uga Qabo Inay Ku Dhacdo Nacdasha Siddeetan Guuradda.

0
Monday May 09, 2022 - 18:47:35 in by Super Admin
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysalwasaarihii Hore Ee Israa'iil Ehud Barak Oo Muujiyey Cabsi Uu Israa'iil Uga Qabo Inay Ku Dhacdo Nacdasha Siddeetan Guuradda.

    Telaafiif (QMN)- Raysalwasaarihii Hore Ee Israa'iil Ehud Barak ayaa muujiyey cabsi uu Israa'iil uga qabo in ay ku dhacdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telaafiif (QMN)- Raysalwasaarihii Hore Ee Israa'iil Ehud Barak ayaa muujiyey cabsi uu Israa'iil uga qabo in ay ku dhacdo
 waxa uu u arko nacdasha siddeetan guuradu.

Ehud Barak oo maqaal warwar badani ka muuqdo ku qoray wargeyska Edicoot Axranoot ee ka soo baxa Israa’iil ayaa qoray, "Taariikhda laba jeer oo keliya ayaa ay Yuhuudda u dhisantay dawlad siddeetan sanno gaadhay. Waa xilligii boqor Daa’uud (Nebi Daa’uud CS) iyo xilligii Xashmuunaa’iim (Xilligii uu faraca Hasmonean ka talinayey ‘Yahuudaa’ iyo deegaannada ku xeeran oo ahayd sannadihii u dhexeeyey 37 illaa 140 dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor).

Sida ay faafisay shabakadda Aljazeera, Ehud Barak waxa uu maqaalkiisa ku sheegay in nacdasha siddeedan jirsashadu aanay ku dhicin Yuhuudda oo keliya balse sida oo kale; "Maraykanka dagaallada Sokeeye waxa ay ka qarxeen markii uu siddeetan sanno jirsaday, Talyaaniguna waxa uu dawlad faashiste ah isu beddelay markii uu cimriga dawladnimadiisu gu’ga siddeetanaad galay. Jarmalku waxa uu dawlad Naasi ah noqday markii uu siddeetan jirsaday, waxa aanay sabab u noqotay in ugu dambayntii uu jabo, lana qaybiyo. Kacaankii Hantiwadaagguna markii uu siddeetan jirsaday ayaa uu burburay midowgii Soofiyeti” 

Sidaas ayaa uu qoray Ehud Barak oo intaas ku sii daray, dhismaha dawlad Yuhuudda u gaar ah in la tijaabiyey saddex jeer; waa dawladda hadda jirta oo bishan 74 sanno jirstay, iyo labadaas aynu soo xusnay ee cimrigaas ku burburay, sidaas awgeed uu Wadnaha farta kaga hayo in ay markanna sida labadaas hore ugu dhacdo nacdasha siddeetan guuradu”

Ehud Barak xilka raysalwasaaraha ka sakoow, muddo dheer ayaa uu ku jiray dawladda Yuhuudda oo uu ka soo qabtay xilka taliyaha guud ee ciidamada iyo xilal wasiir oo ay ka mid yihiin difaaca iyo arrimaha Dibaddu.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured