Madaxweyne Axmed Karaash Oo Magaaladda Boosaaso Kulan Gaar Ah Kula Yeeshay Wasiiradda Maaliyadda Iyo Amniga Puntland Ee Uu Dhawaan Magacaabay.

0
Tuesday May 10, 2022 - 00:09:03 in by Super Admin
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Axmed Karaash Oo Magaaladda Boosaaso Kulan Gaar Ah Kula Yeeshay Wasiiradda Maaliyadda Iyo Amniga Puntland Ee Uu Dhawaan Magacaabay.

    Boosaaso (QMN)- Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Ayaa Maanta khasriga Madaxtooyadda Ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boosaaso (QMN)- Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), Ayaa Maanta khasriga Madaxtooyadda Ee
Magaaladda Boosaaso Kulan Gaar Ah Kula Yeeshay Wasiiradda Cusub Ee Maaliyadda iyo Amniga Ee Uu Dhawaan U Magacaabay Maamul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland.

Kulan Gaarka ah Ee Uu La Yeeshay Madaxweyne Axmed Karaash Wasiiradda Wasaaraddaha Maaliyadda Iyo Amniga Puntland, Wuxuu Daarrannaa Siddii loo Dhamaystiri Lahaa Hawlaha Xil Wareejinta Ee Xilalka Uu Sheegay Inay Waajib Tahay Inay Shaqeyso Magacaabidda Wasiiradda Cusub.

Labaddan Wasiir Ee Maanta Madaxweyne Axmed Karaash Madaxtooyadda Boosaaso Kulanka Kula Qaatay Waxay Kala Yihiin Cabdirisaaq Gaawiiddo Oo Ah Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Maaliyadda Iyo Axmed Xaaji Bakiin oo ah Wasiirka Wasaaradda Amniga. Isagoo Wasiir Bakiin Uu Isla Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kadib Safar Dibadda Uu Ugu Maqnaa.

Magacaabidda Madaxweyne Axmed Karaash Ee Labaddan Wasiir Ee Wasaaraddaha Maaliyadda Iyo Amniga Puntland, Ayaa Ka Mid Ah Masuuliyiin Badan Oo Uu Xilal Kala Duwan Dhawaan U Magacaabay. Iyaddoo Magacaabistanna Uu Si Weyn Uga Soo Horjeestay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Oo Hadda Ka Mid Ah Musharaxiinta u Taagan Tartanka Doorashadda Madaxtooyadda Ee Dawladda Federaalka Somaliya.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine" 
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured