Guddida Fulinta Ee Xisbi Xaakimka KULMIYE Oo La Filayo Inay Bari Yeeshaan Shir Ay Kaga Hadlayaan Mustaqbalka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga.

0
Tuesday May 10, 2022 - 00:21:32 in by Super Admin
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Fulinta Ee Xisbi Xaakimka KULMIYE Oo La Filayo Inay Bari Yeeshaan Shir Ay Kaga Hadlayaan Mustaqbalka Siyaasiga Ah Ee Xisbiga.

    Hargeysa (QMN)- Xisbiga Taladda Dalka Somaliland Haya Ee KULMIYE, ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu yeesho kulan xasaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xisbiga Taladda Dalka Somaliland Haya Ee KULMIYE, ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu yeesho kulan xasaasi
 ah oo lagaga hadlayo arrimo la xidhiidha mustaqbalka Xisbigaasi.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xisbiga KULMIYE oo la xidhiidha ujeeddada kulankan Xisbigu yeelanayo, hase yeeshee Sidda ay xaqiijiyeen warar xogogaal ahi Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE, Hoggaanka sare ee Xisbigaasi iyo Xubno muhiim ah oo ka mid ah Golaha Wasiirrada ayaa la filayaa in ay kulankan ka qayb galaan, kaas oo ka dhici doona Xaruunta Xisbiga KULMIYE.

Kulankan oo lagu Waddo inuu ka qayb galo Guddoomiyaha Xisbigaasi ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye kuxigeenka Xisbigaasi Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la filayaa in lagaga hadli arrimo la xidhiidha Mustaqablka KULMIYE, dardar gelinta hawlaha Xisbigaasi horyaala iyo wakhtiga ay suurto gal tahay in Xisbigaasi qabsato Shirkiisa Golaha dhexe.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu xubnaha Hoggaanka iyo Guddida fulinta inuu la wadaago go'aan uu dhawaan qaatay oo uu ku sheegay inuu diyaar u yahay wareejinta Xisbiga KULMIYE iyo qaabkii arrintaas loogu diyaar garoobi lahaa.

Sidoo kale Shirkan Guddida Fulinta ayaa qodobada kale ee lagu soo qaadi karo waxa ka mid ah sidii loo magacaabi lahaa Xoghayaha guud ee Xisbigaasi, ka dib markii Xoghayihii hore shaqo la joojin lagu sameeyey iyo weliba u diyaargarowga hawlaha doorashooyinka iyo diiwaan gelinta.

Saleebaan Saxansaxo.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured