Dr Cabdiraxmaan Cirro: Sifooyin-ka Siyaasaddeed Ee Uu Kaga Duwan Yahay, Siyaasiyiinta Ay Isku Hayaan Hogaaminta Qaranka JSL/Qorre Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine".

0
Wednesday May 11, 2022 - 18:24:39 in by Super Admin
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Cabdiraxmaan Cirro: Sifooyin-ka Siyaasaddeed Ee Uu Kaga Duwan Yahay, Siyaasiyiinta Ay Isku Hayaan Hogaaminta Qaranka JSL/Qorre Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine".

    Dr Cabdiraxmaan Cirro: Sifooyin-ka Siyaasaddeed Ee Uu Kaga Duwan Yahay, Siyaasiyiinta Ay Isku Hayaan Hogaaminta Qaranka JSL.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr Cabdiraxmaan Cirro: Sifooyin-ka Siyaasaddeed Ee Uu Kaga Duwan Yahay, Siyaasiyiinta Ay Isku Hayaan Hogaaminta Qaranka JSL.
Waa Kuma Ambassador Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ina Cirro)?.
===============================

= Waa Hogaamiye Siyaasadda Soomaalida Hore Uga Soo Gaadhay Heer Safiirnimo/Dal-jirnimo (Ambassador/Dublamaasi), Waa Hogaamiye 12 Sanno (Laba Iyo Toban Sanno) Soo Ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Ee JSL. Qarankanna Uga Tagay Dhaxal Ma'guurto Ah Oo Dhanka Sharciga.

= Waa Hogaamiye 9 Sanno Iyo 6 Bilood (Sagaal Sanno Iyo Lix Bilood), Soo Hogaaminayey Xisbi Mucaarid Ah Ee Ugu-na Da'dda Yar Asxaabta (WADDANI) Oo Uu Aasaaskiisa Fikirkiisa Lahaa. Haddanna Ah Xisbiga Ugu Awoodda Badan Xisbiyadda JSL, Taageeraddiisunna Aanay Ku Saleynayn Gobol Ama Degmo Gaar Ah. Balse Ah Xisbi kasbadday Kalsoonidda Qalbiyadda, Quluubta Shacabka Reer Somaliland Cidhif, Ka Cidhif JSL (Bari, Galbeed, Waqooyi Iyo Koonfur-ba).

= Waa Hogaamiye, Xisbigiisu Ka Qayb-galay Laba Doorasho Gole, Mid Baarlamaan Iyo Mid Madaxtooyo Oo Faro Ciddiddeed Laga Guuleystay, Haddanna Haysta Aqlabiyadda Baarlamaanka, Shir-guddoonka Iyo Inta Badan Maayaradda Dalka (Hargeysa/Boorama/Ceerigaabo Iyo Laascaanood).

= Waa Hogaamiye Muddo 24 Sanno Ah Oo Uu Siyaasadda Qaran Ee JSL, Kusoo Jiray Lagu Arag Hadal Cay, Aflagaaddo Qabiil Ama Mid Liddi Ku Ah Qaranimadda JSL Ay Ka Soo Yeedhay Afkiisa.

= Waa Hogaamiye U Bisil Hogaaminta Bulshaddiisa, Qaranka JSL Ee 30 (Soddon) Jirsadday.

= Waa Hogaamiye, Siyaasadda Qaran Ee Hogaaminneed Ee Uu Aaminsan Yahay Ay Ku Dhisan Tahay Aqoon, Aragti Fog (Himillo Fog), Waayo-aragnimo Siyaasaddeed Oo Qaan-gaadh Ah (Bisayl Siyaasaddeed/Nan Local Policy).

= Waa Hogaamiye, Siyaasaddiisu Ka Reeban Tahay Cunfi, Munaafaqad, Kala Qaybinta Bulshaddiisa (Devid Bye Rule/Qaybiyoo, Xukun), Qabyaaladda Qabaa'ilka Waddankiisa (Kala Xig-sasho/Eexa-sho). Sifahan Oo Inta Badan Caan Ku Yihiin Siyaasiyiinteennu.

= Waa Hogaamiye, Mabaa'ddiidda Siyaasiga Ee Uu Aaminsan Yahay Sal-dhig U Tahay Ilaalinta Qaranimadda JSL, Ka Midho Dhalinta Aqoonsi Caalamiya Oo Ay JSL Caalamka Hesho, Isagoo U Maraya Aqoontiisa/Waayo-aragnimaddiisa Siyaasaddeed (Experience Policy), Xidhiidh Qoto-dheer, Saaxiibo Badan Oo Uu Aduunka Ku Leeyahay, Sidda Dr Cirro U Caddeeyey Ummaddiisa Wakhti Uu Ku Jiray Ololihii Doorashaddii Madaxtooyadda Ee JSL Ka Dhacday Sannadkii 2017-kii. Isagoo Ka Hadlayey Maddal Xisbigiisu Ku Qabsadday Hotel Maan-soor Oo Uu Shacabiisa U Sheegay (U Balan Qaaday) Inay U Qabtaan Muddo 6 Bilood Ah (Lix Bilood), Keenista Aqoonsiga Ay JSL Muddadda 30 (Soddonka) Sanno Ah Ka Doonnaysay Dunidda, Isla-markaana Ay Harraadka Weyn U Qabtay.

= Waa Hogaamiye, Naxariis Badan, Mar Kastan-na La Dareen Bulshaddiisa, Khaasatan Kuwa Aad U Jilicdasan.

= Waa Hogaamiye, Dudhaalle Badan Xidhiidh Wanaagsan La Leh, Qaybaha Kala Duwan Ee Ummaddiisa, Sidda Saxaafadda, Dhaqanka, Culimadda, Aqoonyahanka, Mujaahiddiinta, Wax-garadka, Haweenka, Siyaasiyiinta Iyo Dhalinyaradda.

= Waa Hogaamiye, Farxad Badan (Dhoola-Caddeeya), Balse Xusay Inuu Ugu Cadho Badan Yahay Marka Uu Ugu Farxadda Badan Yahay.

= Waa Hogaamiye, Ku Caan Ah, Ixtiraam Badnidda (Si Gaar Ah Dadka Waa Weyn), Deeqsinimadda (Gacan Furnaan), Tallo Urursiga (Tallo Dhegaysi), Go'aan Adki, Dad Isku Haynta (Isku Haynta Bulshaddiisa Iyo Isku Wadka Dalkiisa).

= Waa Hogaamiye, Ku Wanaagsan Abaal-celinta, Cid Kastoo Abaal Siyaasiya Ama Wax-tar kale U Gashay Aan Il-laabin (Abaal-mariya), Cibaddo Badan (Alle Cabsi Badan).

 = Waa Hogaamiye, Aan Aqoon Xaasidnimadda, Kunna Caan Ah Gacan Qabashadda Dhalinyaradda, Gaar Ahaan Dhanka Siyaasadda, Waa Macalin Weyn Oo Dhanka Siyaasadda Soo-na Saaray Aqoonyahan Badan Oo Durba La Arkay Wanaagga, Daacadnimadda, Waddaniyadda, Waxqabadkoodda Doorashaddii Labadda Gole, Kadib (Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaanka Ee JSL).

= Dr Cirro Ugu Dambayn Waa Hogaamiye, Karti Siyaasaddeed Leh, Isla-markaana Ah-na Wakhtigan Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Mar Labaad Isu Diyaariyey Galista Qasriga Madaxtooyadda Dalka Looga Arimiyo Oo Uu Al-baabkeedda Taagan Yahay Iyo ka Qaybgalista Doorashadda Madaxtooyadda (13- November 2022-ka).

Khaddar Ali Khum "Shiine" TifaftirahaGuud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net.

Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured