"Madaxweyne Muuse Maaha Ninkii Faani Lahaa,Waayo Dhan kasta Oo Aad Ka Eegta-ba Wuu Fashilmay." Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi.

0
Wednesday May 11, 2022 - 21:16:06 in by Super Admin
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweyne Muuse Maaha Ninkii Faani Lahaa,Waayo Dhan kasta Oo Aad Ka Eegta-ba Wuu Fashilmay." Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi.

    Hargeysa (QMN)- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Khaddar Xuseen Cabdi, Ayaa Sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Mudane Khaddar Xuseen Cabdi, Ayaa Sheegay
 inaanay ahayn inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu faanno maanta,isaga oo ku sababeeyey inuu ku fashilmay dhinac kasta oo laga eego xukuumaddda uu hoggaaminayo. 

Md. Khadar Xuseen waxa uu ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay dadka sifo sharci-darro ah huteelada uga  ka xaysanayso oo guryaha lagu xidhanayo.

Xoghaye Khaddar Xuseen Cabdi Wuxuu Yidhi "Shan Sanno Ka Hor Wuxuu Muuse Yimi dadka oo midaysan oo dalka dastuurku sareeyo maantana dadka ayaa hotellada laga kaxaystaa oo guryo lagu xidhaa, dadka waxaas samaynayana waa la  garanayaa. 

Shan Sano ka hore Wuxuu Muse madaxwayne noqday Caasimada Somaliland oo booyad iyo dameer loogu dhaamiyo waxaanu wakhtigiisii dhamaanayaa oo uu ka tagayaa Caasimadii oo wali biyo la. Muse maaha maanta ninkii faani lahaa waayo dhan kasta oo aad ka eegtaba wuu fashilmay. 

Wadada uu qaaday shalayna halka ay tagto waa la yaqaanaa oo waa wax taariikhdu ina bartay" Md Khaddar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured