Wiil Uu Dhalay Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Looga Shakiyay Inuu Aabihii Af-gambiyeyo.

0
Wednesday May 11, 2022 - 21:38:16 in by Super Admin
  • Visits: 128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Uu Dhalay Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Looga Shakiyay Inuu Aabihii Af-gambiyeyo.

    Kampala (QMN)- Maxkamadda Dastuuriga ah Ee Dalka Uganda, Ayaa waydiisay Wiilka Madaxweynaha Dalkaasi Jeneraal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kampala (QMN)- Maxkamadda Dastuuriga ah Ee Dalka Uganda, Ayaa waydiisay Wiilka Madaxweynaha Dalkaasi Jeneraal
 Muhoozi in uu ka jawaabo Eedeeymo loosoo Jeeddiyey oo ah in uu ku jiro dhaqdhaqaaqyo Siyaasaddeed xilli uu hayo xilka ugu sareeya ee ciidamada dalkaas.

Garyaqaan xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Gawaya Tegulle ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad sheegaysa in Muhooza uu ku jiro siyaasadda, isaga oo islamarkaasi ah taliyaha guud ee ciidamada, taas oo uu sheegay in aysan ahayn mid sharci ah.

Wuxuu doonayaa in lagu soo oogo dacwad khi
iyaamo qaran ah, maadaamaa uu ku dooday garyaqaankan in uu khiyaamayo aabihii, doonayana in uu  xilka kagala wareego aabihii siyaabo sharci daro ah ama khiyaamo ah.

Jeneraal Muhooza ayaa dhowaan ku dhowaaqay in uu bilaabayo olole siyaasadeed, waxaana la isla dhexmarayaa hadal hayn ah in uu qorsheynayo in uu aabihii xilka ka dhaxlo.

8-dii Maarso ayuu iska casilay xilka ciidamada, balse waxaa arrintaasi ka diiday aabihiis.

Musavani ayaa horey u beeniyay in uu wiilkiisa u diyaarinayo in uu dhaxlo.

Xigasho BBC.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured