![]() "Waxaan Dhawaan La Dhamaystiri Doonnaa Waddadda Bariga Ee Isku Xidha Saldhiga Dhexe Ilaa Kantaroolka Bari Ee Haleeya" Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi.
Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Golaha
Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa, Ayaa Sheegay In Dhawaan Ay Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa Si Rasmiya U Dhamaystiri Doonnaan Dhismaha Jidka Laamiga Ah Ee Kaantaroolka Bari Ee Haleeya Ilaa Saldhiga Dhexe Ee Caasimadda Hargeysa.
Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Wuxuu Shacabka Soo Doortay Ee Degmadda Hargeysa u Caddeeyey Inay Cashuurtooddii gacmo Aamin ah Ay Ugu Jirto, Isla-markaana Horumarka Iyo Waxqabad La taaban karo Loogu Qabanayo.
Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Oo Si Kooban Uga Hadlay Dhismaha Jidka Laamiga Ah Ee Kaantaroolka Bari Ee Haleeya Ilaa Saldhiga Dhexe Ee Caasimadda Hargeysa Yidhi "Waxaan Dhawaan La Dhamaystiri Doonnaa Waddadda Bariga Ee Isku Xidha Saldhiga Dhexe Ilaa Kantaroolka Bari Ee Haleeya.
waxaanu u sii dadajinay wadadaas qaybta Al shugri hore marta oo maalmaha soo socda la bilaabo. Insha allah.
Dhawaan filo wadadaa.
Cashuurtiinu Gacan amaano ah Ayay ku Jirtaa
Hadal Yar Iyo Hawl Badan".
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine".
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2022 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Waxaan Dhawaan La Dhamaystiri Doonnaa Waddadda Bariga Ee Isku Xidha Saldhiga Dhexe Ilaa Kantaroolka Bari Ee Haleeya" Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi.
Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Golaha