![]() Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Oo Si Lama Filaan Ah Uga Degtay Doontii Siyaasaddeed Ee Ay Soo Saarnay Muddadda Afarta Sanno Ah Ee Nabad Iyo Nolol Xukunka Somaaliya Haysay.
Muqdisho (QMN)- Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Aqalka Shacabka Ee Baarlamaanka
Somaaliya, Ayaa Si Lama Filaan Ah U Sheegtay Inay Gabi Ahaanba Isaga Degtay Doontii Siyaasaddeed Ee Nabad Iyo Nolol.
Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Oo Ka Soo Mid Ahayd Tiirarka Iyo Rukunnadda Ugu Adag Ee m Xisbiga Nabad Iyo Nolol Ee Afartii Sanno Uu Hogaaminta Dalka Somaaliya Soo Hayey Hogaanka Dalka Somaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, Ayaa Ugu Dambayn Shaaca ka Qaaday Inay Si Rasmiya Uga Degtay Doontii Siyaasaddeed Ee Nabad Iyo Nolol Ee Ay Soo Saarnay Muddadda Afarta Sanno Ahayd.
Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Oo Ka Mid Ahayd Masuuliyiinta Ugu Ma'yalka Adagkaa Ee Ka Tirsannaa Xukuumaddii Hore Ee Jamhuuriyadda Federaalka Ee Somaaliya Ee Uu Hogaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo), Ayaa Doonta Siyaasaddeed Ee Nabad Iyo Nolol Ee Ay Shaacisay Inay Ka Degtay Ay Badelkeedda Fuushay Doonta Xisbiga Uu Hogaamiyo Musharax Madaxweyne Shariif Sh Axmed, Isla-markaana Ay Si Rasmiya U Taageertay Hanka Iyo Damaca Shariif Sh Axmed Oo Ka Mid Ah Musharaxiinta U Tartamaysa Doorashadda Somaaliya Ee Maalinta Axadda Ee Toddobaadkan Ka Dhacaysa Magaaladda Muqdisho Ee Xaruunta Dalka Somaaliya.
''Anigu maahi siyaasi is hilmaamsan, oo shalay wuxuu sheegay ogeen oo 22kii sano meesha uu cagta soo saaray aan aqoon''
Farmaajo si dadban buu wali meesha ku Joogaa, Waxaanse Leeyahay Shalay Maanta Maaha, Aniga Maanta Waxaan Rabaa Sheekh Shariif, Waxaa La Igu Dhahay Shariif Lacag Ma Haystaa Oo Awal Ma Khadiijaa Lacag Rabtay" Ayey Tidhi Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.
Doonta Siyaasaddeed Ee Nabad Iyo Nolol Ee Ay Shaacisay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Inay Isaga Degtay, Ayaa Lama Filaan Ku Noqotay Xisbiga Nabad Iyo Nolol Ee Uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Siyaasiyiinta kale Ee Somaaliya. Iyaddoo Ay Aag Badelashadda Siyaasaddeed Ee Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Ku Soo beegmayso Xili Dhawaan Ay Sheegtay Inay Taageeradda Madaxweyne Farmaajo Iyo Xisbigiisa Nabad Iyo Nolol Ay U Hayso Ku Khasbayso La Sii Joogoodda Haddii Laga Wadda Taggo Ay Khadiija Ahaan Tahay Qofka Kaliya Ee Kusoo Hadhaysa.
#Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Oo Si Lama Filaan Ah Uga Degtay Doontii Siyaasaddeed Ee Ay Soo Saarnay Muddadda Afarta Sanno Ah Ee Nabad Iyo Nolol Xukunka Somaaliya Haysay.
Muqdisho (QMN)- Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Aqalka Shacabka Ee Baarlamaanka