![]() "Diyaaradda Hargeysa dusheedda Cawl Cilmi Saaray Casharka Aynu Ka Baranay Waa Inay Dib-inoo Xasuusiso Dhibaataddii Ay U Geysatay dmDadkeenii" Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.
Hargeysa (QMN)- Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Batuun, Ayaa Xukuumadda Madaxweyne
Biixi Ugu Baaqay Dalka Iyo Shacabka Dhibta Ka Dayso, Isla-markaana Ay Dib U Xusuusto dhibaatooyinkii Ay Shacabka Reer Somaliland U geysatay Diyaaradda Hargeysa Dushaddeedda Uu Saaray Maayarkii Hore Ee Caasimadda Hargeysa Alle Ha U Naxariistee Marxuum Cawl Cilmi Cabdalle.
Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, Ayaa Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Qoray, Waxaanu Yidhi "Diyaaradda Hargeysa dusheedda Cawl Cilmi Saaray Casharka Aynu Ka Baranay Waa Inay Dib-inoo Xasuusiso Dhibaataddii Ay U Geysatay dmDadkeenii aynu jacleyn ee reer Hargeysa, sida ay u dumisay hargeysa, sida ay u duqeysay daarihi hargeysa, sida ay dam-baska uga dhigtay duunyadi dadka reer Hargeysa haysteen.!
Diyaaraddani waxa ay astaan u tahay dhimasho iyo dhaawac umaddeed ee heeso midhahooda iyo macnahoodu yihiin Aabo iyo Ayyeeyo Astaan uma ah, garashada iyo garaadka xukumadda Kulmiye ayaa sidaas ah balse waxa ay soo afmeeri-doonta 13 Nov Insha Allah oo jidka wada-jirka iyo wallaalnimada la jeexi doono
Buqcadda ay diyaaraddani saaran tahay waa Barxad ay tahay in hoosteeda dhiilo iyo dhiig lagu xussuusto laakiin aqoon la’aanta iyo faham la’aanta nidaamka dawladdeed ayaa keenaysa in goob tamashle iyo jaas laga dhigo"Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Batuun.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2022 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Diyaaradda Hargeysa dusheedda Cawl Cilmi Saaray Casharka Aynu Ka Baranay Waa Inay Dib-inoo Xasuusiso Dhibaataddii Ay U Geysatay dmDadkeenii" Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.
Hargeysa (QMN)- Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Barkhad Batuun, Ayaa Xukuumadda Madaxweyne