![]() Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Munaasibadda Xuska Sannad Guuradda 31-naad Ee Maalinta Xoriyadda Ee 18 May Awgeed.
Hargeysa (QMN)- Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed
"Waxa Aan Shacabkayga Xariirta Ah Kula Dardaarmayaa In Ay Si Weyn U Xusaan Munaasibadda Ciidda Waddanka ee 18-ka MAY, Nabadda, Wadda-jirka Iyo Isku Duubnidana Dhowraan, Isla-markaana Difaacdaan Qaranimadda Iyo Xuquuqdiinna Dastuuriga Ah"Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro
======================================
Hargeysa (QMN)- Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Munaasibadda Xuska Sannadka Guuradda 31-naad Ee 18 May Oo Ku Astaysan Maalinta Xoriyadda Ee JSL.
Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Dhambaalkiisan Hambalyadda Ah Ee Uu U Diray Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Munaasibadda Xuska Sannadka Guuradda 31-naad Ee 18 May Awgeed Ku Yidhi Siddan "Waxa aan Hambalyo Iyo Bogaadin Weyn U Dirayaa Dhammaan-ba Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Dalka Guddihiisa Iyo Dibeddiisaba Munaasibadda 31 Guuradda Dib Ula soo Noqoshadda Qarannimada Iyo madax-bannaanida dalkeenna.
Waxa aan Shacabkayga xariirta ah kula dardaarmayaa in ay si weyn u xusaan Munaasibadda Ciidda Waddanka ee 18-ka MAY, nabadda, wada-jirka iyo isku duubnidana dhowraan, Isla-markaana difaacdaan Qaranimadda Iyo xuquuqdiinna Dastuuriga ah.
Sannad Guuro Wanaagsan.
Happy #18MAY".
#Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2022 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Guud Ahaanba Shacabka Reer Somaliland Munaasibadda Xuska Sannad Guuradda 31-naad Ee Maalinta Xoriyadda Ee 18 May Awgeed.
Hargeysa (QMN)- Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed