![]() Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii, Ehelladdii, Qaraabaddii Iyo Guud Ahaanba Shacabka Somaliland Ee Uu Baxay Alle Ha U Naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Xirsi Qani.
Hargeysa (QMN)- Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Musharaxa Jagadda Madaxweynaha
Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii, Ehelladdii, Qaraabaddii Iyo Guud Ahaanba Shacabka Somaliland Ee Uu Baxay Alle Ha U Naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Xirsi Qani Oo Mar Dhowayd Geeriyoodday.
Dr Cabdiraxmaan Cirro Wuxuu Tacsidda Uu U Diray Alle Ha U Naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Xirsi Qani Ku Yidhi Siddan "Waxa aan Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Dhammaan Qoyska, Ehelladda, Wax-garadka, Waayeelka, Asxaabta Iyo Shacabkii uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Xirsi Qani oo xaqii u yimid.
Waxa aan si gaar ah uga sii tacsiyadeynayaa qoyskii uu ka baxay, gaar ahaanna Wasiir Ku Xigeen Hore Cabdiraxmaan oo ubadkiisa ka mid ahaa, anniga oo Ilaahay uga baryaya in uu Jannatul firdowsa geeyo, innagana samir iyo iimaan saadaq ah innaga wada siiyo. Aamiin".
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyskii, Ehelladdii, Qaraabaddii Iyo Guud Ahaanba Shacabka Somaliland Ee Uu Baxay Alle Ha U Naxariistee Marxuum Maxamed Ismaaciil Xirsi Qani.
Hargeysa (QMN)- Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Musharaxa Jagadda Madaxweynaha