"Siddee Baa Loo Fasirey Haddalkii Wasiirka Arrimaha Guddaha Ee Uu Lixda Maayar Ku Sheegay WADDANI Iyo Hadalhaynta Daba Socota"/Qalinkii Saxafi Cabdiraxmaan Hiiraan.

0
Thursday August 04, 2022 - 21:30:31 in by Super Admin
  • Visits: 430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Siddee Baa Loo Fasirey Haddalkii Wasiirka Arrimaha Guddaha Ee Uu Lixda Maayar Ku Sheegay WADDANI Iyo Hadalhaynta Daba Socota"/Qalinkii Saxafi Cabdiraxmaan Hiiraan.

    Kadib Markii uu Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ka Hadley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Markii uu Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ka Hadley
 Magaaladda Burco, Waxa hadalhayn iyo Faalo badani ka dhalatey, in uu Maayaradda Dalka oo dhan Intoodda Badan ku sheegay in ay Yihiin Xisbiga Mucaaridka WADDANI.

Hadalhaynta Arintan ayaa Siyaalo badan looga Faaloodday,  iyadoo ay Faalada Dadweynaha qaarkood Ku Sheegayaan in Madaxweynaha iyo Xukuumadduba ka Cadhoodeen, qaabka uu u dhigey hadalkaasi ee ahaa "Maayarka Ceerigaabo, Waa WADDANI, Maayarka Burco Waa WADDANI, Maayarka Berbera Waa WADDANI Maayarka Laascaanood Waa WADDANI"Ayuu yidhi.

Waxaanay tafaasiisha, inteeda badan ku Tilmaameen Khusuusan, Markaad si aad ah u dhugato hadalhaynta Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, in Hadalka Wasiirku daaranaa, mid uu Sawir kaga Bixinayo, in Xukuumaddooda Laga haysto Taageeradda Shacabka inta ugu badan ee Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka iyaggoo sogaar ah u Calaamadiyey, in aanney Xisbiga WADDANI Maayaro Ka aheyn Magaalooyinka Waaweyn ee Burco, iyo Berbera iyadoo Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan(Ciddin), yahey Maayar Kasoo Baxey Xisbiga KULMIYE, halka Maayarka Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi (Hero) uu isaguna Kasoo baxey, Xisbiga UCID laakiin aannu kasoo Bixin Xisbiga WADDANI Waxaanay ku Doodayaan Taageerayaasha KULMIYE, in Beesha Caalamka iyo Duniduba Fasiraad ka Qaadatey hadalkaasi Wasiirka Arrimaha Guddaha una aragtey in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, laga haysto Awooddii Shacabka.

Sikasta, oo ay Tahey Waxa ay hadalhaynta Arrintani yeelatey Saameyn badan, Maaddaama ay Dadka Qaarkii aaminsan Yihiin in aannu Wasiirku ku halmaamin Labada Maayar ee Berbera iyo Burco, Laakiin ay taasi aheyd badheedhe Duurxul ah, oo uu Saaxiibkii Fariin uga dhigayey, Waana Sababta ay Wali u baadhayaan Taageerayaashooddu in Madaxweynaha Muuse Biixi iyo Saaxiibkii Wasiirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin iyagga laf ahaantoodu isku hayaan Ciyaar hoose U Socota.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured