Maayar MOOGE: Astaanta Horumarka Iyo Hiilka Caasimad 30 Sanno La La Degay/La Hagrannayey Horumarinteeddii.

0
Thursday September 01, 2022 - 20:31:40 in by Super Admin
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayar MOOGE: Astaanta Horumarka Iyo Hiilka Caasimad 30 Sanno La La Degay/La Hagrannayey Horumarinteeddii.

    Hargeysa (QMN)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan Oo Xilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan Oo Xilka
 Duqa Caasimadda Hayey Muddo Sannad Iyo Billo Ah, Ayaa Guulaystay Hirgalinta Iyo Ka Dhabeynta Balan Qaadkii Xisbigiisa WADDANI Ee Ahaa Inay Isbadel Dhab Ah Oo Dhanka Horumarka Ah La Doonayo Xisbiga WADDANI Guud Ahaan Magaalooyinka Dalka, Gaar Ahaan Caasimadda Dalka Ee Hargeysa.

Md Cabdikariim Axmed Mooge, Ayaa Muddadda Yar Ee Uu Xilka Caasimadda Hargeysa Hayey Ku Guulaystay Hirgalinta Iyo Dhisidda Inta Badan Waddooyinka Magaaladda Hargeysa. Iyagoo Dhammaan-ba Waddooyinka Magaaladdu Isagu Jiraan Qaar Si Casriya Loo Dhisay Oo La Dhamneeyey, Qaar Hadda La Bilaabay Iyo Qaar Meel Dhexe Maraya Hadda.

Maayar MOOGE Wuxuu Guulaystay Nadiifinta, Bilicda Iyo Qurxinta  Caasimadda, Isagoo Caasimadda Saaray Dhammaan-ba Xoolihii Magaaladda dhexdeedda Lagu Dhaqannayey.

Maayar MOOGE Waxqabadka Iyo Horumarinta Uu Caasimadda Ugu Saaray Dhabihii Ay Ku Gaadhi Lahayd Caasimaddaha Qayrkeed Ee Dunidda Ayey Dhammaan-ba Shacabka Reer Somaliland Iyo Dadweynaha Reer Hargeysa Uga Markhaati Fureen, Iyagoo Ku Guubaabiyey Dadaalka Dhanka Horumarinta Ah Ee Uu Caasimadda Ka Waddo.

Geesta Kale Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Uu MOOGE Ka Mid Yahay, Ayaa Si Weyn Ula Dhacsan Dadaalka Dhanka Horumarinta Ah Ee Uu Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdikariim Axmed Mooge Muujiyey Muddadda Kooban Ee Uu Hargeysa Hogaaminayey. Iyagoo Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Aad Ugu Faraxsan Inuu Maayar MOOGE Si Weyn Uga Dhabeeyey Hirgalinta Balannihii Isbadel Ee Uu Xisbigu Qaadday Shacabka Reer Hargeysa.

Maayar MOOGE Wuxuu Guulaystay Inuu Ceebtoodda Banaanka keenno, kuwii Xilka Uga Horeeyey Ee Hagradday Hargeysa Muddadda 30-ka Sanno Ah.

Hambalyo Maayar MOOGE Hore U Soco, Ilaahay-na Ha Guulleeyo Hamiga Ah Inay Hargeysa La Mid Noqoto Faceed.

#Fadlan Waa Noo Mihiim Ka Mid Noqoshadda Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. "MAHADSANID".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office..

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured