![]() SHEEKH Caalim Dhanka Diinta Islaamka Ah Oo Shaaciyey Inuu Markii Uu kalaamka Alle Xifdiyey, Wakhti-na Ku Bixiyey Uu Alle U Barakeeyey Maalkiisa, Caruurtiisa Iyo Xaasaskiisa.
Riyaad (QMN)- Sheekh Xasan Al-waajidi Oo Ka Mid Ah Culimadda Aw-diinka Ugu Caansan Aduunka, Ayaa
Sheekh Xasan Al-waajidi, "Wuxuu Alle Ku Manaystay Kalaamkiisa Uu Xifdiyey Dartii, Afar Xaas Oo U Dhalay Shan Iyo Labaatan Caruur Ah Oo Dhammaantood-ba Xaafiddul QUR'AN Ah"
=================================
Riyaad (QMN)- Sheekh Xasan Al-waajidi Oo Ka Mid Ah Culimadda Aw-diinka Ugu Caansan Aduunka, Ayaa Shaaciyey Inuu Markii Uu kalaamka Alle Xifdiyey, Wakhti-na Ku Bixiyey Uu Alle U Barakeeyey Maalkiisa, Caruurtiisa Iyo Xaasaskiisa.
Sheekh Xasan Al-waajidi Oo Ay Da'diisu Tahay 40-tan Sanno Jir, Ayaa Leh Afar Xaas, Oo Saddex Ka Mid Ahi Afartiisa, Ay Kitaabka Qur'aanka Kariimka Ah Xifdisan Yihiin, Iyaddoo Sheekh-u Sheegay Inay Laba Ka Mid Ah Xaasaskiisu-na, Ay Ka Qaybgaleen Tartamo Qur'an Oo Heer Caalamiya, Iyagoo Ku Tartamayey 10-ka Qiraa'o Iyo Mutuunta Culmiga Ah.
Sheekh Xasan Al-waajidi, Wuxuu Dhalay Oo Ilaahay Siiyey Afartiisa Xaas Shan Labaatan (25) Caruur Ah, Oo Toddoba (7) Ka Mid Ah Caruurtiisan-na, Ay Ka Qaybgaleen Tartanno Heer Caalamiya Oo Qur'aanka Kariimka Ah.
Sheekh Xasan Al-waajidi, Ayaa Yidhi Mar Uu Ka Hadlayey, Nimcooyinka Uu Alle Ku Manaystay "Markii Aan kalaamka Alle Xifdiyey Ee Aan Wakhtigeygan-na ku Bixiyey, Ayuu Alle Ii Barakeeyey Maalkeyga, Caruurtayda Iyo Xaasaskeyga-ba".
Qoraalkan Waxa Ka Soo Tarjumay Bog Ay Carabi Leedahay Mustaf Awil Hassan, Ilaahay-na Ha Barakeeyee.
Sii Gudbiya/Khayr-ka Oo Qayb Ka Noqo Wanaagga.
#Fadlan Waa Noo Mihiim Ka Mid Noqoshadda Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. "MAHADSANID".
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office..
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
SHEEKH Caalim Dhanka Diinta Islaamka Ah Oo Shaaciyey Inuu Markii Uu kalaamka Alle Xifdiyey, Wakhti-na Ku Bixiyey Uu Alle U Barakeeyey Maalkiisa, Caruurtiisa Iyo Xaasaskiisa.
Riyaad (QMN)- Sheekh Xasan Al-waajidi Oo Ka Mid Ah Culimadda Aw-diinka Ugu Caansan Aduunka, Ayaa