Mujaahid Cali Gurey Oo Is-bar-bar Dhig Ku Sameeyey khuddbaddaha Ay Ummadda U Kala Jeeddiyaan Labadda Hogaamiye Ee Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi.

0
Friday September 09, 2022 - 17:06:05 in by Super Admin
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Cali Gurey Oo Is-bar-bar Dhig Ku Sameeyey khuddbaddaha Ay Ummadda U Kala Jeeddiyaan Labadda Hogaamiye Ee Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Muuse Biixi.

    Hargeysa (QMN)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Is-bar-bar Dhig Ku Sameeyey khuddbaddaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Is-bar-bar Dhig Ku Sameeyey khuddbaddaha
 Ay Ummadda U Jeeddiyey Labadda Hogaamiye Ee Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

MUJAAHID Cali Gurey, Ayaa Xusay Inay Qiimeyn Ugu Filan Tahay Shacabka Reer Somaliland khuddbaddaha Ay Ummadda U Jeeddiyaan Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Madaxweyne Biixi, Waxaanu Yidhi MUJAAHID Cali Maxamed Yuusuf "Khudbaddaha Muuse Iyo Khudbaddaha Cabdiraxmaan, Ayaa Mid-ba Lagu Qiimayn ka Muddan Hogaamiye".

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Sheegay Inuu Isagu Shakhsiyan Uu Fahmo khuddbaddaha Uu Ummadda U Jeeddiyo Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Uu MUJAAHIDku Tilmaamay Inay Ku Qo'tonto Xaqiiqadda Dhabta Ah Ee Dalka Ka Taagan, Waxaanu Yidhi Cali Gurey "Labadda Anigu Cabdiraxmaan Cirro, Ayaan Waxa Uu Ka Hadlayo Si Fiican U Fahmi Karaa Been-na Aan Ahayn Ee Run Ah"

Siyaasi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Geesta Kale Sheegay In Aanu Shakhsiyan Fahmi khuddbaddaha Uu Ummadda U Jeeddiyo Muuse Biixi Cabdi, Taasoo MUJAAHID Cali Gurey Carabaabay Inay Ku Saleysan Yihiin kiis-iska-waal Iyo Inuu Runta Ka Warwareegayo Qiiqna Isku Qarinayo, Waxaanu Yidhi MUJAAHID Cali Gurey "Muuse Anigu khudbaddihiisa Waan Ku Wareeraa Oo Ma Fahmo Ujeedaddiisa Iyo Ka Jeedaddiisa. Waxan U Qaataa Uun kiis-iska-waal Iyo Inuu Runta Ka Warwareegayo Qiiqna Isku Qarinayo".

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Gaba-gabaddii Tilmaamay Inay Khudbaddii Uu Shalay Dr Cabdiraxmaan Cirro Jeeddiyey Ku Qo'tontay Xaqiiqadda Dhabta Ah Ee Dalka Ka Jirta Xiligan, Waxaanu Yidhi MUJAAHID Cali Gurey "Cabdiraxmaan Hadalkiisii Maanta Laaxin Laga Jarimaayo. Wuxuu Ahaa Hadal Kooban Oo Haddana Dhamaystiran Oo Aanu Runta khilaafka Taagan Waxna Ku Darin Waxna Ka Dhimman kiina Caddeeyey Mawqifkiisa, Ka Xisbigiisa, Iyo Ka Mucaaridkaba

Cabdiraxmaan Hadalkiisa Mar kasta Waxa Laga Arki karaa Daacadnimaddiisa. Taas Oo Uu Kaga Duwan Yahay Muuse Biixi".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured