Gobanimadda, Geesinimadda, Garashadda, Ku Dhaca Iyo Abaal Celinta Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waa ASTAAN U Gaar Ah, Waanna Mid Muujinaysa Qofnimaddiisa, Dadnimaddiisa Iyo Hogaamintiisa Wanaagsan.

0
Tuesday September 13, 2022 - 19:54:30 in by Super Admin
  • Visits: 2790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobanimadda, Geesinimadda, Garashadda, Ku Dhaca Iyo Abaal Celinta Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waa ASTAAN U Gaar Ah, Waanna Mid Muujinaysa Qofnimaddiisa, Dadnimaddiisa Iyo Hogaamintiisa Wanaagsan.

    Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Daw-dar) Oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Daw-dar) Oo
Hogaaminnaya Xildhibaanno Badan Oo Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID, Ayaa Qaybgalay Shir-weynahan 1-aad Ee Urur Siyaasaddeed KAAH Ee Uu Aasaasay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Guddoomiye Khaliif Oo Ah Siyaasi Qun-yar Socod Ah, Isla-markaana U Bisil Siyaasadda Uu Inta Badan Ku Soo Jiray, Ayaa Ah Shakhsi Caan Ku Ah Guddista Cid Kastoo Abaal Mar Uun U Soo Gashay Noloshiisa, Waanna Astaan U Gaar Ah Hogaamiyaha Baarlamaanka JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Haddaba Guddoomiye Khaliif Oo Qalbigiisa Ku Hayey Abaalkii Siyaasaddeed Ee Uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi U Galay Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID Markii Ay Haraadka Iyo Baahidda Weyn U Qabeen Guushii Shir-guddoonka Baarlamaanka Dalka Oo Loolan Adigi Kaga Immanyey Xukuumadda Biixi Iyo Xisbigeedda KULMIYE Oo Kursiga Hadda Uu Ku Fadhiyo Md Khaliif Sannad Kor La Rabtay Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Uu Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Ay Is-hayeen Xukuumadda KULMIYE Sabab U Noqday Guushii Shir-guddoonka Baarlamaanka Ee Ay Ka Gaadheen Isbahaysiga Mucaaridku, Siddaasna Guddoomiye Ku Noqday Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ayaa Abaal Celinta Maxamuud Xaashi Cabdi La Sugayey Madal Iyo Wakhtigeedda Ugu Abaal Celin Lahaa, Taasina Ay Maanta Noqotay.  

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Oo Hadal Taariikhiya Ka Jeeddiyey Shir-weynaha Ururka KAAH, Ayaa Sababayeeyey Sababta Uu Uga Soo Qaybgalay Shir-weynahan Ururka KAAH, Salaan Kadib WuxuuYidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed "Hore Umaan Imman Urur Siyaasaddeed Qabsadday Shir, Iimanna Qorsheysanna Inan Mid Dambe Ka Qaybgalo. Sababta I Keentay Baan Sheegayaa, Waa Midde Raggaygii Baan Soo Raacay. Marka 2-aad Maxamuud Xaashi Cabdi, Waa Saaxiibkay Oo Aanu Dhawr Iyo Tobankii Sanno Ee U Dambeeyey Soo Wadda Marnay Waayo Badan. Gacantii Dambe-na Isagaa Lahaa (Guushii Shir-guddoonka Baarlamaanka). Anna Bidde Ma'ahiye, Waan Abaal-guddayaa Oo Taanna Waan U Immid"

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ayaa Urur Siyaasaddeed KAAH Ilaahay Uga Baryey Inuu Guulaysto, Marka La Gaadho Wakhtigeedda Doorashadda Ururadda Siyaasadda, Waxaanu Yidhi Guddoomiye Khaliif "Ugu Horeynba Waan Hambalyeynayaa Ururka KAAH, Waxaan Ku kalsoon Nahay Ragga Iyo Hablaha Halkan Fadhiya Inay Guul Ka Gaadhaan Himiladdoodda. Waa Goob Lagu Tartami Doonno, Wakhtigeedda Iyo Markay Gaadho, Hadduu Alle Yidhaahdo. Iyaddoo Arrimuhu Ilaahay Gacamihiisa Ay Ku Jiraan Mar Kasta. Anigoo Ururka KAAH U Rajeynaya Inuu Noqon Doonno, Mid Siyaasadda Wax Weyn Kusoo Kordhin Doonna"

Waxa Xusin Muddan Oo Iyo-ba Mujiso Iyo Cibaaro Ah Inuu Garabka  Guddoomiye Khaliif Uu Fadhiyey Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) Oo U Adeer Ah Guddoomiye Khaliif, Isla-markaana Ah Siyaasigii Xukuumadda KULMIYE La Tartansiisay Doonnistii Shir-guddoonka Baarlamaanka Dalka Uu Isna Sheegay Inuu Toos U TaageersanYahay Urur Siyaasaddeed KAAH.

Gabagabo Siddaan Hore-ba U Soo Sheegay Gobanimadda, Geesinimadda, Garashadda, Ku Dhaca Iyo Abaal Celinta Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waa ASTAAN U Gaar Ah Hogaamintiisa. Waxa Hore U Dhacday Inuu Madal Il-yartu Is-qabtay Ka Caddeeyey Inuu Og-yahay, Abaal Ugu Hayo Deegaanka Ay kasoo Jeeddaan Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Eng Faysal Cali Waraabe Guushii Ay Isku Garab Istaageen Xildhibaannadda Ugu Badan Ee Deegaanka Labaddan Hogaamiye.

Astaamahan Uu Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Waa Mid Muujinaysa Qofnimaddiisa, Dadnimaddiisa Iyo Deeqsinimaddiisa.

Hambalyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Ilaahay Mar Kasta Garabkaaga Ha Gallo. Xaqiiqdii Dhammaan-ba Sifahan Iyo Astaamahan Aan Taxay Ee Guddoomiye Khaliif Waa Intaa Ku Bartay Shakhsiyadda Wanaagsan Iyo Gobanimadda Guddoomiyaha Shacabka Reer Somaliland-na Ay Inta Badan Iiga Markhaati Furmi Doonnaan. Isha Allah.


#Fadlan Waa Noo Mihiim Ka Mid Noqoshadda Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. "MAHADSANID".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office..

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured