Wax Ka Barro Taariikhda Qaddiimiga Ah Ee Uu Leeyahay Deegaan Xeebeedka Qan-dalla Ee Gobolka Barri Ee Puntland/Somaaliya.

0
Friday September 16, 2022 - 00:24:41 in by Super Admin
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Ka Barro Taariikhda Qaddiimiga Ah Ee Uu Leeyahay Deegaan Xeebeedka Qan-dalla Ee Gobolka Barri Ee Puntland/Somaaliya.

    "Aan wax yar taariikhda Qandala idin ka siiyo. Abbaaraha 1906 talyaaniga iyo boqorkii bari ayaa heshiiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aan wax yar taariikhda Qandala idin ka siiyo. Abbaaraha 1906 talyaaniga iyo boqorkii bari ayaa heshiiyey.
 Qandala daarta ugu dheerayd ee faahiye geeddi ayaa calankii gumaystaha la suray. Gurigayaga ayey ku dheggantahay, qisadana waxaa la ii sheegay markaan garaadsaday. Cali faahiye Geeddi oo xaruntii daraawiishta Eyl tegey, qorya geeyey, ayaa soo noqday oo arkay. Calankii ayuu soo dejiyey waana gubey. (Calan gube) ayuu kula baxay. Talyaanigii wuxuu u ergoodey boqorkii, oo isna amray in Cali lasoo xiro oo talyanka loo gacan geliyo. Cali boosaaso ayuu u cararay oo boqorka walaalkiis Axmed Taajir ka taliyo. Markuu ogaadey waxa lala damacsanyah ayuu cali warqad Sayidka u qoray oo arrinta ugu faahfaahiyey. Markabkii talyaniga oo boosaaso ku soo xidhay ayaa cali la saaray. Safiirkii Talyaaniga Pestaloza oo sayidka wadahadal ugu socda ayaa Eyl tegey. Markabka markii laga degayey ayuu cali turjumaankii ku yiri: war sayidka ii sheega! Sayidka iyo talyaanigu markey hadalla is dhaafsadeen, ayuu yiri sayidku: Cali Fahiye meeyey? Markabkuu saaranyahay. Halla ii soo dejiyo, haddii kale dhaqaaqi meysaan! Khasab bey noqotay in Cali la soo dejiyo. Markuu Sayidku gacanta midig cali ku dhigay ayuu mariyey geerar uu (boqorka) ku caayayo, reer qandalana ku dhaliilayo, waxaana ka mid ahaa:

Ninka gaalka la siiyay, Talyaani loo garbo duubay
Markab guudkii la saaray, gacal saw ma lehaynin?
Waxa gaalada siiyey, …….bah dir weeyee, —(Ereyo cay ah ayaan ka tegey in kasta oo taariikhda in sideeda loo weriyo dhib lahayn)
Garkiisoo la jaraa, ma gooyaan dhammidoodu?
Warka gaarey Islaankoo, geyigoo dhan dhameeyey,
Giddi reer tolku ceebta, guudka sow kama saarna?
Mawdku waa gar Ilaahoo, geeri Eebbe ma diidine,
Waxaanan ka gam’aynin, Cali Faahiye Geeddi
Waa sidey u galeen?
Dugsiga hoose ee Qandala ee aan dhigtay waxaa loogu magac daray: Cali Faahiye Geeddi. Haddana waa ilaa dugsi sare. Sawiradan waxaa si gaar ah iila wadaagey -isagoo ku mahadsan- Amb. Maxamed Cali Ameriko. Xeebtan quruxdeeda bal u fiirsada. Daarta uu dhex taaganyahay Danjiruhuna waxaan filayaa in ay tahay daartii Calan gube".

Waxa Qoray Sheekh Mohamed Idiris.


Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office..

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured