Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Hambalyo Iyo Bogaadin-ba U Diray Hogaanka Cusub Ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

0
Saturday September 17, 2022 - 21:44:29 in by Super Admin
  • Visits: 479
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Hambalyo Iyo Bogaadin-ba U Diray Hogaanka Cusub Ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka.

    Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan,
 Ayaa Dhambaal Hambalyo Iyo Bogaadin Isugu Jira u Diray Hogaanka Cusub Ee Ay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maanta Doorteen.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Qoraal Uu Ku Baahiyey Bartiisa Gaarka Ah Ee Facebookga Uga Rajeeyey Ilaahay Hogaanka Cusub Ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Inuu Hawlaha Culus Ee Hor-yaalla U Fudduddeeyo. Waxaanu Yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan "Waxaan bogaadin u dirayaa hoggaanka cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay iska dhex doorteen. Guddoomiyaha, guddoomiye Ku Xigeenka iyo Af-hayeenka KDQ waan hambalyaynayaa waxaanan u rejaynayaa xilgudasho wanaagsan. 

Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhawaynayaa hoggaanka cusub, waxaanu ula shaqayn doonaa sida ugu habboon, guud ahaanna waxa aannu diyaar u nahay lashaqaynta xubnaha KDQ dhammaantood, sidii aannu Komishannadii ka horreeyeyb ula shaqayn jirnay.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa laga sugayaa inay soo diyaarinayaan khariidada doorashooyinka iyagoo ku salaynaya sida ay u kala horreeyaan, xisbiga WADDANI na waxa uu diyaar u yahay inuu ka qaybgalo dhammaan Doorashooyinka astaysan, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada oo iyadu ah ta u soo horraysa.

Ugu dambayn, hoggaanka cusub iyo guud ahaan xubnaha KDQ waxaan rejaynayaa inay noqon doonaan garsoor Ummadda Somaliland mahadiso".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured