Dagaalladdii Siyaasaddeed Ee Farmaajo La Galay JSL Iyo Dagaalka Xasan Culusoow Hadda Ku Bilaabay, Maxay Ku Kala Duwan Yihiin?.

0
Saturday September 17, 2022 - 23:58:10 in by Super Admin
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalladdii Siyaasaddeed Ee Farmaajo La Galay JSL Iyo Dagaalka Xasan Culusoow Hadda Ku Bilaabay, Maxay Ku Kala Duwan Yihiin?.

    Muqdisho (QMN)- Afar Sanno oo Farmaajo ka arrimiyey Somalia dagaalkiisii ka dhanka ahaa Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (QMN)- Afar Sanno oo Farmaajo ka arrimiyey Somalia dagaalkiisii ka dhanka ahaa Somaliland,
 kumaynaan wajihin xeelado Siyaasaddeed iyo galaan-gal dublamaasiyadeed oo ay iska difaaci karno, balse Waxaynu ku wajahanay Siyaasadda Gole ka fuul ah oo hadal uun ah, isaguna maalin kama jawaabin hadalladdeedii isaga oo hawshiisa wata ayuu wakhtigu Barakaciyey.

Markasta oo Somalia hoggaan cusub yimaado dagaalkiisa Somaliland uu dardar geliyaa, oo hab iyo xeelado cusub ayuu la yimaadaa.

Hadalkii maanta ee Xasan Sheekh waxa uu ahaa mid muujinaya Siyaasadda Xukuumaddiisa ee uu ku shaqaynayo Muddo xilkeedkiisa, marka dhinac laga eego wuxuu muujinayey inuu ku shaqaynayo siyaasaddii ahayd in aan la siyaasaddayn waxyaabaha horumarka ah ee uu hore u siyaasaddeeyey Madaxweynihii ka horreeyey, laakiin waa been cad oo waxa tusaale u ah Sidda uu u siyaasaddeeyey arrintii Xajka ee sannadkan.

Somaliland maxaa la gudboon?

Somaliland iyo madaxdeeddu waa in ay ka fogaadaan Siddii Shantii Sanno ee hore in ay qorshe xumo iyo hadal uun ku wajahaan arrinta Somalia.

•Waa in ay Somaliland ay dejiso qorshe siyaasaddeed oo ay ku wajahayso Somalia dagaalkeeda.

•In aanay dhayalsan qorshahan Somalia oo ah mid keeni kara ama horseedi kara saameyn taban Mustaqbalka ah, Maaddaama oo ay ka faa’iidaysanayso aqoonsiga caalamka ah ee ay haysato iyo fursadaha ka helayso Fagaarayaasha Caalamiga ah.

•In ay Somaliland Xoojiso Siyaasaddeed Guddaha oo ay u horreysay midaynta
Dadkeeda, Xoojinta Hay’addaha dawliga ah, Xoojinta nidaamka Dimuqraadiyaddeed ay amaanta ku heshay, joogteynta Doorashooyinka, Ilaalinta Xoriyadda Saxaafadda iyo ta muwaadiniinta, haddii kuwan la adkayn waayo ma jiri doonaan Waddamo ku dhegeysta oo aad qadiyada uga sheekayn karto. 

Abuurista Siyaasad arrimo dibeddeed oo hadafkeedu yahay abuuris dano siyaasaddeed, kuwo deegaan-siyaasaddeed, kuwo dhaqaale oo aad ku kasban karo adduunka.

Waxa Qoray Saleebaan Saxansaxo.

#Fadlan Waa Noo Mihiim Ka Mid Noqoshadda Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. "MAHADSANID".

Qumannews.net.
Har/Office..

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured